HomeBeesha Caalamka Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqday In Laga Noqdo Go’aanka Uu...

Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqday In Laga Noqdo Go’aanka Uu Dib Ugu Dhigay Doorashooyinka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SL.Post) Beesha caalamka ee taageerta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqday inuu ka noqdo go’aanka uu doonayo inuu ku kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka, dib na ugu dhigo doorashada baarlamaanka.

 

 

1-103-150x150

 

War-murtiyeed culus oo ay soo saartay dawladda Ingiriiska oo ka wakiil ah Maraykanka, Denmark, Midowga Yurub, Sweden iyo Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ku sheegeen in talaabada madaxweyne Siilaanyo dhaawacayso wada shaqayntii Somaliland iyo caalamka.

 

War-murtiyeedka oo laga soo saaray xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland, wuxuu u dhignaa sidan “Beesha Caalamku waxa ay aad uga walaacsan tahay go’aanka uu madaxweynaha Somaliland doorashadii baarlamankadib uga riixay xilligeedii ahaa March 2017. Dib u dhigistan aan wax kallifayaa jirin waxa ay dhaawaci doontaa kalsoonidii dadka Somaliland iyo duniduba ku qabeen hannaanka dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxa aanay  cawaaqib ku yeelanaysaa wada-shaqayntii beesha caalamku la’ lahayd Somaliland.

 

Dib-u-dhigista doorashada waxaa lagu dhawaaqay iyada oo aan lagu salayn sees sharci ama dastuuri ah oo cad, iyo iyada oo uu jiro xukunkii guddoomiyaha maxkamadda sare ee ahaa in doorashada madaxweynaha iyo baarlamanku wada jir u qabsoomaan bisha March. Dadka Somaliland waxa ay iyaga oo tiro badan safaf ugu galeen in ay isu diiwaangeliyaan codaynta labada doorasho, waxa aanay xaq u leeyihiin in ay fishaan in loo ogolaan doono in ay codeeyaan.

 

Beesha caalamku taageerada laxaadka leh ee ay ku bixisay hannaanka doorashadu waxa ay ku salaysnayd in Somaliland waqtigiisa fulinayso wacadkeeda ah doorashooyinka la isku waafaqay ee madaxweynaha iyo baarlamanka.  hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee qarka u saaran in ay guul ku dhammaato ayaa jaangoynaysa jadwal cad oo ah in bisha March 2017ka la galo doorashada, taas oo aynaan waxba ka beddeli karin.

 

Deeq-bixiyeyaashu waxa ay si mug leh u maalgeliyeen diyaarinta doorashooyinka, mana doonayaan in ay arkaan wacadkaas la isku ogaa oo lagu wiiqay laguna dhaawacay dib u dhac doorasho oo joogto ah. Beesha caalamku ma’ awoodi doonto in ay maalgeliso, kharashaadka dheeraadka ah ee ka dhalan doona dib u dhigista doorashooyinka baarlamaanka, taas oo culayskeedu annaga oo ka xun uu dusha ka fuuli doono dadka Somaliland.

 

Beesha caalamku waxa ay la jirtaa in dib-u-heshiisiinta Somaliland ay tahay arrin muhiim ah. Waxa aanu madaxweynahana ugu baaqaynaa in uu sida ugu dhaqsaha badan u dejiyo geeddi socod cad oo leh jadwal loo raacayo, si loo helo nidaam saami-qaybsi oo caddaalad ah iyo metalaad siyaaasi ah oo dadka Somaliland oo dhami ku yeeshaan baarlamankooda. Waxa se’ aanu mar kale ku celinaynaa in doorashada baarlamanka oo waqti go’an ku dhacdaa aanay weli caqabad ku noqonayn hawsha saami-qaysbiga iyo geeddi-socodka nabadaynta, sidaa awgeed waxa aanu ku boorrinaynaa madaxweynaha Somaliland in uu dib u ugu noqdo go’aankiisa, oo uu doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka wada jir u qabto bisha March 2017ka.”

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories