HomeBeesha Caalamka oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Xiisadda Laascaanood

Beesha Caalamka oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Xiisadda Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad deegaanka u dhashay oo ay wehelinayaan xoogag huwan oo isaga kala yimi dalalka deriska ah.

War-saxaafadeed ay maanta wada-jir u soo saareen Dalalka iyo Ururada beesha caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaalada Laascaanood iyo abaabul ay halkaas ka wadaan kooxo hubaysan.

Beesha caalamku waxa ay baaqday in gaar-gaar deg-deg ah la gaadhsiiyo dadka ku baracay dagaalka Laascaanood, waxaanay dhinacyada iska soo horjeeda ugu baaqeen inay fududeeyaan isla markaana aanay wax hor-istaag ah ku samaynin gargaar iyo taakuleynta loo qoondeeyey dadka shacabka ah.

War-murtiyeedka beesha Caalamka waxa lagu sheegay inay si adag u cambaareynayaan rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan”.

“Waxaan aad uga walaacsannahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay xabbad-joojin dhinac kaliya ah haseyeshee ma suurta-galin xabbad-joojintaasi kaddib markii malleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood weerarro ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka.

War-murtiyeedka Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo xabbad-joointa, waxaana lagu yidhi, “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaadho xal nabadeed.”

Waxa kale oo Beesha Caalamku sheegtay, “Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Sweden, Switzerland, Turkiga, Uganda, UK, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories