HomeBeesha Caalamka oo War ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland iyo Talooyin ay...

Beesha Caalamka oo War ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland iyo Talooyin ay soo jeediyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxa ay xukuumadda Somaliland ku bogaadiyeen sida ay uga Go’antay hirgelinta Doorasho Xilligeeda ku qabsoonta iyo Bixinta Kharashka ku baxaya intiisa Badan

London (SLpost)- Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa soo dhaweysay xilliga loo muddeeyey doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo cayimay inay qabsoonto 31-ka Bisha May 2021-ka, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen.

War-murtiyeedka ay beesha caalamku kaga hadleen mowqifkooda ku aaddan xilliga loo muddeeyey doorashooyinka Somaliland oo ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingriiska oo warbaahinta Somalilandpost afka Soomaaliga ku tarjuntay, waxa si wada-jir u saxeexay dalalka Denmarka, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska iyo Marayanka.

blankSaaxiibbada beesha Caalamku waxa ay war-murtiyeedkooda ku sheegeen in qabsoomidda doorashooyinka Isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay Somaliland fursad u siinayaan inay mar kale xaqiijiso bisaylkeeda dimuqraadiyadeed isla markaana ay dhidibbada u sii adkayso horumarka geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda.

War-murtiyeedka oo lagu bogaadiyey wada-shaqaynta Guddiga Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasadda, waxa lagu yidhi, “Waxaanu ku bogaadineynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi siyaasadeed sida ay ugu guuleysteen dhamaystirka diiwaangelinta cod-bixiyaha oo loo wada dhan yahay oo qabsoontay intii u dhexeysa December 2020 iyo January 2021. Waxaanu u kuur-galnay isla markaana soo dhaweynay tirada badan ee dhallinyaro wiilal iyo gabdhoba leh oo guud ahaan Somaliland isagu diiwaangeliyay inay markii u horeysay codkooda dhiibtaan. Waa daah-furnaantii, madax-bannaanidii iyo dhexdhexaadnimadii looga baahnaa hannaanka farsamo iyo hay’adaha taageeraya, kuwaas oo hoosta ka xariiqaya kalsoonida lagu qabi karo geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta siyaasadda ayaa lagu boorriyey inay masuuliyad iska saaraan sidii ay u soo xuli lahaayeen murashaxiin ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ka kooban tahay, waxaana murtiyeedka lagu xusay in beesha caalamku soo dhaweynayso heshiis axsaabta siyaasaddu bishii September 2020 ku go’aamiyeen inay murashaxiinta tartamaysa ka mid noqdaan 18 haween ah iyo saddex xubnood oo beelaha laga tirada badan yahay ka socda oo u tartama Doorashada Golaha Wakiillada.

“Waxaanu ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay sii ballaadhiyaan balanqaadkaas oo lagu dabbaqo Doorashada golaha Deegaanka isla markaana ay qaadaan talaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo sidii ay matalaad siyaasadeed oo balaadhan u yeelan lahaayeen haweenka, dhalinyarada iyo beelaha laga tirada badan yahay.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha Caalamka.

Saaxiibbada Beesha Caalamka ee Somaliland waxa ay soo jeediyeen talooyin ku aaddan qabsoomidda doorashooyin daah-furan oo ilaalinta xaqa murashaxiinta iyo xorriyadda Saxaafaddu ka mid tahay.

“Waxaan sugeynaa heshiiska Xeerarka anshaxa doorashada ee xisbiyada iyo warbaahinta. Waxaan rajeyneynaa in labada heshiisba ay ka turjumayaan sida ay uga go’an tahay wax wada qabsiga marka lagu daro muhiimadda ay leedahay daahfurnaanta magacaabista musharraxiinta, goob loo siman yahay oo loogu talagalay ololaha, in laga hortago ficillada cabsi-gelinta ama dhibaataynta oo ay ugu horreeyaan bad-qabka haweenka musharrixiinta ah, in loo sinnaado helitaanka warbaahinta iyo Xorriyadda saxaafadda.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha Caalamka.

Ugu dambayntii, waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in beesha caalamku sii wadayso wada-shaqaynta iyo taageerada Somaliland, waxaanay xukuumadda madaxweyne Biixi ku bogaadiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin xilliga loo muddeeyey ku qabsooma iyo inay Dusha u ridatay bixinta inta badan kharashka ku baxaya doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

“Waxa naga go’an inaan la shaqeyno Somaliland si aan u taageerno hirgelinta doorashooyin hufan, ammaan ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay oo qabsoomaysa 31-ka May. Waxaan ku bogaadinaynaa dawladda Somaliland sida ay uga go’an tahay inay hubiso in doorashooyinka la gaadhsiiyo waqtigooda, iyo inay bixiso inta badan dhaqaalaha ku baxa doorashooyinkaas. Beesha caalamku waxay siisay KDQ taageero maaliyadeed oo ku baxday wajiga diiwaangelinta codbixiyaasha oo ka timi Midowga Yurub, Sweden iyo Ingriiska, waxaana rajeyneynaa inaan bixinno taageero dheeri ah oo maaliyadeed iyo mid aan dhaqaale ahayn inta ka hadhay howlaha doorashada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka beesha Caalamka oo ballan-qaadday inay bixinayso taageero Dhaqaale iyo mid farsamo oo ay ku taageerayaan doorashooyinka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories