HomeBeesha Caalamka oo war Dhiilo Xambaarsan ka soo saaray Khilaafka Madaxweynaha iyo...

Beesha Caalamka oo war Dhiilo Xambaarsan ka soo saaray Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera ammaanka iyo dowladimada Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jira ah u soo saaray war-murtiyeed dhiillo xambaarsan oo ku aaddan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha dalkaas.

Waxa war-murtiyeed lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-wasaare Rooble uu dhaawac u geysanayo geeddi-socodka nabadda iyo qabsoomidda doorashooyinka maadaama ay muddo sannad ah ka soo wareegtay heshiis 17 September2020 ay kala saxeexdeen Dowladda Farmaajo iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.

blankBeesha Caalamku waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhaan khilaafkooda siyaasadeed isla markaana ay joojiyaan digreetooyinka awoodeed ee xafiisyadooda ka soo baxaya.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, iskana ilaaliyaan is-weydaarsiga wareegtooyinka shaqsiyeed oo aanay dani ku jirin, hana iskana ilaaliyaan tallaabo kasta oo khalkhal gelin karta xaaladda amniga oo dib ha u gudo-galaan dhammaystirka doorashooyinkii dib u dhacay iyadoo aanu dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha caalamka.

Beesha Caalamku waxa ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed baahi-weyn u qabo dowladnimo loo dhan yahay oo shaqaynaysa. “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo mudan yihiin Dowlad wax -ku -ool ah oo loo dhan yahay. Kala qaybsanaanta jirta waxay sababaysaa inay wiiqanto horumarka muhiimka ah ee la sameeyay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

War-mutiyeedka waxa si wada-jir ah u soo saaray Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera Nabadgelyada iyo Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo kala ah AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Urur-goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Kenya, Ururka Jaamcadda Carabta, Norway, Qatar, Sweden, Switzerland, Turkey, United Kingdom, United States iyo Qaramada Midoobay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories