HomeBeesha Caalamka Oo Wadajir Uga Hortimi Mooshinka Xilka Lagaga Qaadayo Madaxweynaha Somaliya...

Beesha Caalamka Oo Wadajir Uga Hortimi Mooshinka Xilka Lagaga Qaadayo Madaxweynaha Somaliya Baaqna Soo Saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Somaliya(SLpost)-Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu dalbaday in sidegdeg ah loo xalliyo xasaradda ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane xasan Sheekh Maxamud.

Bayaankan oo si wadajir ah ay u soo saareen, Qaramada midoobeey, AMISOM, IGAD, midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain, ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin mooshinka Baarlamaanka loo gudbiyay ee lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen in arrintaasi ay carqalad ku tahay hormarka Soomaaliya sida nabadda iyo dhismaha dowladda.

“Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hunaanta hanaanka loo marayo, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo xildhibaanada qaar ay ku doonayaan in Mr Xasan Sheekh xilka laga qaado. Beesha caalamku waxa ay sheegeysaa inay si joogto ah ugu ololeynayaan xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaadda Soomaaliya si loo ixtiraamo shaqooyiinka hay’adaha kala duwan ay leeyihiin. Waxa ay tilmaameen inay garab siinayaan in tallaabooyiin xoog leh laga qaado arrimaha musuqmaasuqa, dhaqaalahana lagu hormariyo dhinacyada amniga iyo difaaca.

“Waxaa naga go’an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorashada ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin,” ayey bayaankan ku sheegeen beesha caalamka.

Waxayna intaasi ku dareen “Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil,”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories