HomeBeesha Caalamka Oo Shirkii Horumarinta Somaliland Ee Sannadkan U Soo Dirtay Diblomaasiyiin...

Beesha Caalamka Oo Shirkii Horumarinta Somaliland Ee Sannadkan U Soo Dirtay Diblomaasiyiin Ka Meeqaam Hooseeya Kuwii Sannadkii Hore Iyo Sababaha Loo Nisbaynayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Wadamada beesha caalamka ee taageera horumarka Somaliland ayaa u muuqda inay hoos u dhigeen  darajada wufuudii hore uga qayb geli jirtay shirka isu duwida mucaawinooyinka Somaliland oo sannadkiiba mar lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu furo Madaxweyne Siilaanyo.

14565b74ff065c1da193654ef2d45882_L

Shirkii 8aad ee sannadkan oo toddobaadkii dhammaaday ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa lagu dareemay sida ay dawladaha reer Yurub hoos ugu dhigeen diblomaasiyiinta ay u soo wakiishaan ka qayb galka shirkan, marka la barbar dhigo shirkii 7aad ee kal hore ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Tusaale ahaan shirkii 7aad ee sannadkii hore ee 2014 ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay wufuud culus oo ka socday dawladaha reer Yurub iyo hay’adaha kale ee Somaliland caawiya. Waxaana shirkaas kal hore goob-joog ka ahaa safiiro fadhigoodu yahay Nayroobi, halka aanu sannadkan hal safiir shirka ka qayb gelin.

Sannadkii hore ee  2014

Sannadkii hore ergadii shirkii 7aad ka qayb gashay waxa ka mid ahaa

Safiirka Holland

Safiirka Denmark

Safiirka UK

Ergey sare oo ka socday baanka adduunka

Ku –xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

Safiir ku xigeenka Maraykanka

Xoghayaha guud ee IGAD

Ergey sare oo ka socday Baanka horumarinta Afrika

Iyo haweenay ku xigeenka ergayga ah oo ka socotay Midowga Yurub

Hase yeeshee sannadkan ma jirin wax safiir ah oo shirka ka qayb galay oo ka socday safaaradahaas sannadkii hore ka qayb galay. Sidoo kalena waxaan shirka iman xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo sanadkii hore goob-joog ahaa.

Sanadkan 2015

Ergada shirka 8aad ee sannadkan ka qayb gashay waxa ka mid ahaa

Ku-xigeenka Denmrak u qaabilsan mucaawinooyinka

Ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

Sarkaal ka socday DFID oo ingiriiska u qaabilsan mucaawinada

Haweenayda ku xigeenka ergayga Midowga Yurub oo iyadu shirkii kal hore joogtay

Geesta kale, shirkii kal hore waxa lagaga yaboohay lacago badan oo gaadhaya dhawr milyan oo dollar, oo ay ku  yabooheen dalalkii hore ugu jiray iyo dalka Holland oo kal hore ku soo biiray, waxaanay ku yabooheen lacag gaadhaysa lix milyan oo dollar. Hase yeeshe sannadkan ma jiraan dalal cusub oo ku soo biiray caawimada horumarinta Somaliland, sidoo kalena ma jirin lacago miisaanka hore leekaa oo lagu yaboohay marka laga reebo mashaariic hore u socday oo lacagtooda lagu yaboohay.

Dadka arrimaha diblumaasiyadda odorosa ayaa arrintan ku macneeyey hoos u dhac ku yimid heerkii uu hore u taagnaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ay Somaliland la wadaagto dawladaha iyo haayadaha kala duwan ee danayneeya Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxaa iyaduna xusid mudan in arrintani ay ku soo beegmayso xilli uu Midowga Yurub hoos u dhigay heerkii joogitaankiisa Somaliland kadib markii uu dhowaan xafiiskiisa Hargeysa xidhay, marka laga reebo dhowr hawlwadeen oo si kooban u sii shaqaynaya.

Hoos-u-dhacan darajada xubnaha shirkan ka soo qaybgalay waxaa loo sibiri-saari karaa arrimo door ah oo ay ugu muhiimsantahay dalalka reer Yurub oo ay ka muuqato in ay qawadsan yihiin heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo aad dib uga dhacay xilligoodii iyo muddo kordhinta labada sannadood ahayd; in dareenkaas ay bulshada caalamku qabtana waxa ugu yar ee laga dheehan karayaa waxa uu ahaa hadalkii ay haweenayda ah ku-xigeenka ergeyga dawladda Denmark u qaabilsan mucaawimooyinka Somaliland iyo Soomaaliya si cad madaxweynaha hortiisa madashii kulankan ugaga hadashay muhiimadda dimuqraadiyadda, doorashada golaha Guurtida iyo doorashooyinka waqtigoodii dib uga dhacay oo ay walaac ka muujisay.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories