HomeBeesha Caalamka oo niyad-jab ka muujiyey Hannaanka loo Jideeyey Doorashooyinka Soomaaliya

Beesha Caalamka oo niyad-jab ka muujiyey Hannaanka loo Jideeyey Doorashooyinka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Beesha caalamka ee taageerta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, ayaa niyad-jab ka muujisay heshiiska laga gaadhay hannaanka ay u qabsoomayso doorashada baarlamaanka loo muddeeyey inay dalkaas ka qabsoonto Sannadka 2021-ka.

Beesha Caalamka ayaa hore u dhiirri-gelisay in doorashada baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah shacabku u soo doortaan, haseyeeshee heshiis madaxda dalkaas ku dhexmaray Muqdisho todobaadkii hore ayaa lagu qorsheeyey in xubnaha baarlamaanka loo soo doorto qaabkii hore ee Xulashada iyo Saami-qaybsiga ku dhisnaa. 

blankWar-saxaafadeed ay maanta soo saareen wakiillada beesha Caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin in hanaanka la shaaciyay inay doorashada dalkaasi u qabsoomayso ka hooseyso yoolkii loo dejiyey ee ahaa cod-bixin toos ah oo shacabku ku doortaan xubnaha baarlamaanka ee doorashada loo muddeeyey inay sannadka dambe qabsoonto.

In kasta oo beesha caalamka ay soo dhaweeyeen heshiiskii ay dhowaan wada-saxeexeen Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo maamul-goboleedyada kale ee Soomaaliya, kuna tilmaantay mid dhabbada u xaadhaya geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, haddana waxa jira saluug baahsan oo ay ka muujiyeen go’aankaas oo beesha caalamku ku tilmaantay mid aan u qalmin heerkii looga baahnaa.

 “Saaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wada-hadal ay Soomaalidu dhexdooda ka gaadheen. Waxaanu ognahay in qaar ka mid ah xogaha geedi-socodka lagu heshiiyay aan weli la caddeynin oo ay dhici karto in cid kale lagala tashan karo”, sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka beesha Caalamka.

Beesha Caalamku waxa ay muujisay inaanay raalli ka ahayn shaacinta heshiiska oo ay sheegeen inuu baal-marsanaa yoolkii loo qoondeeyey doorashada inay ku qabsoonto cod-bixin toos ah, waxayse dhinacyada heshiiska gaadhay ugu baaqeen inay doorashadu noqoto mid u qabsoonta qaab daah-furan oo xor ah.

 “Saaxiibbada Soomaaliya iyagoo ka xun inay arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii la qoondeeyey, haddana waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ay noqoto mid xor ah, xalaal ah oo daah-furan oo loo dhan yahay.” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka, waxaana intaas lagu daray,  “Saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaadho dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda oo ay ku jiraan guddiga adeegga Garsoorka iyo guddiga xuquuqul Insaanka”.

Beesha Caalamku waxa ay madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ugu baaqday inay sii wadaan kulamadooda, iyagoo yeelanaya wada-hadal iyo isu-tanaasul dhexdooda ah.

Beesha Caalamka sida wada-jirka ah u soo saaray war-murtiyeedka ayaa kala ah UK, Belgium, Denmark, Ethiopia, EU, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Sudan, Turkey, US iyo UN-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories