HomeBeesha Caalamka oo ka walaacsan Nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland

Beesha Caalamka oo ka walaacsan Nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka ee taageerta Doorashooyinka Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay Dalalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhacyada soo noqnoqday doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland.

waxa War-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Beesha Caalamku ka xun tahay Muddo-kordhinta labada Sanadood ah ee Golaha Guurtida sameeyay Golaha Wakiillada iyo Muddo-kordhinta uu Golaha Guurtida laftiisu isku sameeyay.

War-saxaafadeedkan oo si wada jir ah u soo wada saareen Dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay “Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimuqraadiyadeed ee Somaliland.” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka, kaasi oo intaa ku daray “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay xadhigga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka..”

Waxa kale oo Qoraalkaa lagu sheegay “Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole..” ayuu lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Ugu dambayn, waxay Beesha caalamku ugu baaqday xukuumadda iyo dhammaan hawl-wadeenada siyaasadeed ee Somaliland inay dib u xaqiijiyaan, iyada oo loo adeegsanayo  heshiiska labada dhinac, is-afgarad iyo isu tanaasul, si loo helo dariiqa loo maro jah-wareerka hadda jira si doorashooyinka baarlamaan iyo doorashooyinka deegaanku u dhacaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories