HomeBeesha Caalamka oo Ka Walaacsan Khilaafka madaxweynaha iyo Mucaaradka ee Diyaar-garowga Doorashooyinka

Beesha Caalamka oo Ka Walaacsan Khilaafka madaxweynaha iyo Mucaaradka ee Diyaar-garowga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo mashaariicda horumar ee Somaliland ayaa ka walaacsan in Somaliland awoodi kari weyday inay dhammaystirto hawlo fudud oo farsamo oo hortaagan doorashooyinka Somaliland ee wakiilada iyo deegaanka, si loo qabto doorashooyinka habsaamay. Doorashooyinkan ayaa waxa mar kale dib u sii riixi kari ismari-waaga Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.

blankSida ay Geeska Afrika ilo xogogaal ahi u sheegeen waxa walaacan oo muddooyinkii u dambeeyay yara degay soo kiciyay natiijadii uu ergayga Midowga Yurub kala noqday Hargeysa, ka dib markii uu ku guuldaraystay kulan uu Madaxweyne Biixi la yeeshay oo uu doonayay inuu ku qanciyo in dib loo celiyo xubno uu Madaxweynuhu u soo magacaabay guddiga cusub ee doorashada oo ay mucaaradku ka qayliyeen.

Dalalkan ayaa ka dib markii ay heleen warbixinta natiijada socdaalkii ergayga Midowga Yurub, waxa ay is tuseen inay hoos u sii socoto dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland oo ay dalalka reer galbeedku wakhti iyo kharash badan geliyeen, waxaanay aaminsanyihiin in madaxda siyaasadda Somaliland laga la’yahay  bisayl siyaasadeed oo hoggaamineed si looga gudbo caqabadaha taagan.

Dalalkan beesha caalamka ayaa sidoo kale waxay farta ku go’dayaan dhinaca xukuumadda oo looga baahanyahay fududayn, dedejin iyo tanaasulaad si loogu gudbo diyaar garow doorasho oo wakiilada iyo deegaanka ah.

Dalalkan ayaa laga yaabaa sida ay wararku sheegayaan inay mar kale Somaliland u soo diraan wefti culus oo ka kooban safiiro kuwaas oo Madaxweyne Biixi soo gaadhsiin doona dhambaal midaysan oo ay ka sidaan dalalka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Ergaygan Midowga Yurub ee natiijo la’aanta ku laabtay ayaa socdaalkiisa Hargeysa wuxuu yimid ka dib markii uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u diray beesha caalamka dhambaal uu ku weydiistay inay wax ka qabtaan Madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay inuu guddiga doorashooyinka ku soo daray xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE.

@Geeska Africa Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories