HomeBeesha Caalamka oo ka hadashay Natiijada Doorashada iyo Guusha Madaxweynaha la doortay...

Beesha Caalamka oo ka hadashay Natiijada Doorashada iyo Guusha Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Doorashooyinka, ayaa war-saxaafadeed ay goor-dhawayd ka hadlay natiijada doorashada madaxtooyada oo maanta lagu dhawaaqay iyo guusha ay gaadheen Murashaxiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub, waxa lagu ammaanay nidaamka nabadgelyada iyo masuuliyaddu ku jirtay ee shacabka Somaliland uga qayb-qaateen doorashada. Sidoo kale waxa ay Guddiga Doorashooyinka ku ammaaneen Doorka geesinimada leh ee ay ka qaateen qabsoomidda Doorashada.

slpost

Waxa kale oo beesha Caalamku ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan loo xalliyo cabashooyinka jira ee ka soo baxay doorashada iyadoo loo marayo sharciga iyo hay’adaha ku-shaqada leh.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

“Beesha Caalamku waxay si dhaw ula socotay geeddi-socodka hannaanka doorashaa ee Somaliland oo lagu dooranayey  madaxweyne Cusub. Wefti sare oo beesha caalamka ah ayaa booqday goobo badan oo laga codaynayey magaalada Hargeysa, si loo muujiyo taageerada beesha caalamku u hayso nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland. Beesha caalamku waxay ka war-haysay in 60 kormeerayaal caalami ahi ay goob-joog ka ahaayeen bilowgii codeynta oo ay kormeer ku sameeyeen ilaa 350 goobood oo laga codeynayey. Waxa kale oo doorashada ka qayb-qaatay 620 goob-joogeyaal maxalli ah oo kormeeray in ka badan 40 boqolkiiba.

Goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay ammaaneen hannaanka wanaagsan iyo nabadgelyada ay ku qabsoontay codeyntu, in kastoo ay meelaha qaar wax ka jireen, balse waxay qireen in qaladaadka jiray aanay ahayn qaar mudan in la xuso oo aan wax u dhacayn sumcadda nidaamka doorashada.

Beesha caalamku waxay si qoto-dheer uga walaacsan tahay dadka ku dhintay rabshadihii dhacay maalmihii ka dambeeyey doorashada. Waxaanu ammaanaynaa  doorka muhiimka ah ee ay qaateen Guddiga Doorashooyina, annagoo ogsoon ku-dhawaaqista natiijada doorshada maanta oo lagu shaacinayo in murshaxa madaxweynaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ku guulaystay doorshada.

Ku-dhawaaqista natiijada kaddib, beesha Caalamku waxay ugu baaqaysaa Xisbiyada inay ka doorkooda ka geystaan oo la ixtiraamo nabadda iyo kala dambaynta, isla markaana la xaliyo cabashooyinka doorashada iyadoo hay’adaha sharciga loo marayo.

Waxaanu ku xoojinaynaa in ku-dhaqanka shuruucdu ay noqdaan waxa ugu habboon ee loo marayo si loo xaqiijiyo xaqiijiyo iyo himillada dadka codkooda dhiibtay ee Somaliland. Waxaanu ku hambalyaynaynaa dhammaan shacabka Somaliland sida nabadgelyada iyo masuuliyadda leh ee ay u guteen waajibaadkooda codbixinta doorashada 13-kii November 2017.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadda oo ay wada-jir u saxeexaan wakiillada dalalka Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, Holland, Switzerland, Sweden, United Kingdom iyo Maraykanka.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories