HomeBeesha Caalamka: Ma Jirto Muddo Kordhin

Beesha Caalamka: Ma Jirto Muddo Kordhin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka fileyso hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay si deg deg ah ugu soo gudbiyaan go’aan ku saabsan hab doorasho oo la isku raacsan yahay oo ay Soomaaliya qaadaneyso, islamarkaana dowladda aan waqtiga loo kordhin doonin.Bayaan laga daabacay website-ka xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiye Jawaari shalay la yeesheen wakiilo ka socda QM, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Italy ay hoosta kaga xariiqeen rajadooda ah in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay maalmaha soo socda soo gudbiyaan hanaan doorahso oo la isku raacsan yahay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay ka filayaan qorshe fulineed iyo qariidad siyaasadeed oo Soomaaliya loo dejiyo 2016 illaa 2020, taasi oo ah waxa ay hogaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga qaran ee 16-kii December ka dhacay Muqdisho.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadalladii Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee 2016.

“Waxa ay ahayd arrin wanaagsan in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay dhowr maalmood ku bixiyeen ka hadalka habka ugu wanaagsan uguna habboon ee doorashada Soomaaliya ee sanadkan” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska QM ee Soomaaliya.

Beesha calamaka waxa ay sheegtay in inkasta oo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Kismaayo, haddana ay soo dhoweeneyso in horumar laga sameeyey wada-hadallada.

Kulankii wakiilada caalamka ay la yeesheen hogaamiyayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, waxa ay hoosta kaga xariiqeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo loo kordhinayo hay’adaha dowladda ee iminka jira, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.

Beesha caalamka, waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay fileyso in madaxda Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso kahor kulanka golaha ammaanak QM ee dhacaya 28-ka January iyo kan Midowga Afrika ee Addis-Ababa oo maalmo kadib ku xiga.

 Xigasho VOA
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories