HomeBeesha Caaalamka oo war-murtiyeed ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland

Beesha Caaalamka oo war-murtiyeed ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay maanta soo saareen kaga hadlay nidaamka dimuqraadiyeed ee dalka iyo diyaar-garwoga doorashooyinka la filayo inaydalka ka dhacaan sannadkan 2022-ka.

War-murtiyeed oo ay si wada-jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Ingiriiska, Denmark, Finland, Germany, Norway iyo Sweden, ayaa daba-socda socdaal ay 24-kii bishan dalka ku yimaaddeen wakiillo ka socda beesha caalamka, kuwaas oo muddo saddex maalmood ah oo ay ku sugnaayeen magaalada Hargeysa kulamo kala duwan oo khuseeya arrimaha doorashooyinka kula yeeshay Axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka, Goleyaasha Baarlamaanka, Waaxda Garsoorka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in ujeeddada socdaalka ay dhawaan ku tageen magaalada Hargeysa ahayd sidii ay dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ugala xaajoon lahayn lahaayeen tallaabooyinka xiga ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo wakhtiga ay qabsoomayaan Doorashooyinka Somaliland.

Saaxiibbada Beesha Caalamku waxa ay mar kale bogaadiyeen midho-dhalkii ka dhashay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee sannadkii hore ka qabsoomay Somaliland, waxaanay ugu baaqeen dhinacyada siyaasadda ee Somaliland inay isla meel-dhigaan muddeynta doorashooyina soo socda iyadoo loo marayo wada-xaajood loo dhan yahay oo ka shidaal-qaadanaya Shuruucda dalka.

War-murtiyeedka ka soo baxay Beesha Caalamka oo ay soo saartay Safaaradda Dowladda Ingiriiska oo wakiil ka ah, waxa lagu yidhi, “Ka dib markii ay Somaliland si guul ah ugu qabsoontay Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka sannadkii hore, saaxiibada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay booqasho ku yimaaddeen Hargeysa 24-kii ilaa 27-kii January si ay ugala hadlaan dhinacyada ay khusayso tallaabooyinka xiga iyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka Somaliland.”

“Waxaanu ku dhiirigelinaynaa madaxda siyaasadda Somaliland inay caddeeyaan dariiqa loo marayo doorashooyinka soo socda, iyada oo la adeegsanayo hannaan wada-tashi oo loo dhan yahay, kuna heshiiyaan qorshe doorasho oo midaysan oo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland iyo in la xaqiijiyo in hannaanka doorashooyinku ka tarjumayo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland hadday tahay ka-qayb-galinta haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ay soo saareen beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyeed ee Somaliland.

Saaxiibbada Beesha Caalamku waxa ay ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ka-hor inta aan la gaadhin wakhtiga loo muddeeyey doorashooyinka, waxaanay war-murtiyeedka ku yidhaahdeen, “Waxa muhiim ah in wakhtigan xaadirka ah la gudo-galo diyaar garowga ay komishanka doorashooyinka qaranku ugu diyaar garoobayaan Diwaan-galinta codbixiyayaasha si loo dhamaystiro ka hor wakhtiga doorashada soo socota.

Anagoo ah saaxiibbada taageera geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu doonaynaa inaanu sii wadno taageeradayada iyo wada-shaqaynta si loo gaadho guulaha muhiimka ah ee hadhay,” sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo ay ku saxeexan yihiin Saaxiibbada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ingiriiska, Denmark, Sweden, Germany, Finland iyo Norway.

Wakiillo ka socda beesha Caalamka, ayaa toddobaadkii hore socdaal ku yimi Hargeysa, waxaanay kulamo gooni-gooni ah la qaateen Goleyaasha Sharci-dejinta, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Hoggaanka saddexda Xisbi Qaran, Guddiga Doorashooyinka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories