HomeBeeralayda Dhaymoole ee Gobalka Saaxil Oo Soo Bandhigtay Khudaar Muus,Timir iyo Noocyada...

Beeralayda Dhaymoole ee Gobalka Saaxil Oo Soo Bandhigtay Khudaar Muus,Timir iyo Noocyada Canbaha Isugujirta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saaxil(SLpost)-Beeralayda Dhaymoole iyo Bixin duule oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa soo bandhigay wax soo saar ay ku sameeyeen dalagyo kala duwan oo ay ku jiraan dalagyo aan dalka hore uga bixi jirin iyo kuwo hore uga bixi jiray oo dalka ku yaraa.

Xubno ka socday beeralayda oo maalinti shalay bandhigan ugu yimid xarunta wasaaradda Beeraha ayaa waxa ay masuuliyiinta wasaaradda u soo bandhigeen dalagyo kala duwan oo beerahaasi ka soo go’ay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Muus, Cambe Caad, Timir, Qarac (Geed dalka ku cusub oo wax ka tara cuduro badan), Cambe shoog, Liin macaan, Baydariin iyo midho kale oo badan oo dadka faa’iido u leh.

11870880_1176887348994473_5612726134001887615_n 11896087_1176887138994494_1515934924984233132_n

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo madashaasi ka hadlay ayaa beeralaydan isugu daray hambalyo iyo mahadnaq uu uga mahad celiyey sida ay dalka wax ugala soo baxeen, isaga oo ku dhiirigaliyey inay intan ka sii balaadhiyaan.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa odayaasha beeralayda ah ee saaka nooga yimid tuulooyinka Dhaymoole iyo Bixin duule oo uu hogaaminayo Cumar Xuseen Wacays iyo Eng: Saalax, waxaan uga mahadcelinayaa tacabka iyo dedaalka badan ee ay u galeen sidii ay dalka wax ugu soo saari lahaayeen waajibaadkii saarnaa oo ay guteen, ILAAHEY-na waxaan uga rajayanayaa inuu ka abaal mariyo”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaa ay soo saareen beerahooda ayey ka soo baxeen, tani waa Timirtii oo baryahanba wasaaradda beeruhu ku hawlanayd sidii looga soo saari lahaa gobolada Xeebaha ah, waxaan leeyahay dhulku waxba ma hagrado nin leh ayaa hagrada oo qofka dul jooga uunbaa hagrada, raggii gacanta iyo xooga galiyey way ka soo saareen, tusaale ayaanay inoo soo qaadeen”.

 

Agaasimaha beeraha oo fariin u diray beeralayda waxa uu yidhi “Anagu waanu booqanay beerahooda aadbay uga shaqaysteen, waxaanan halkan fariin uga dirayaa beeralayda Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa xeebaha inay wax soo saarkooda kor u qaadaan, ILAAHEY wax badan oo aad wax kula soo bixi kartaan ayuu idin siiyey, markaa dhulku idin hagran maayee xoogga galiya”.

Xubnahan ka socday beeralayda labadan deegaan ee Dhaymoole iyo Bixin duule ayaa iyaguna sharaxay wax soo saarkan ay la yimaadeen, iyaga oo sheegay inay ku soo biiriyeen beerashada midha kuwa cusub oo aan dalka hore uga bixi jirin ama ku yaraa.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories