HomeBayaan laga soo saaray Xuska Maalinta Cidhibtirka Gefafka ka dhanka ah Saxaafadda...

Bayaan laga soo saaray Xuska Maalinta Cidhibtirka Gefafka ka dhanka ah Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey kulan laba maalmood qaatay oo lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Cidhib-tirka Gefafka ka dhanka ah Saxaafadda, kaas oo ay ka qayb-galeen Daneeyayaasha Saxaafadda Dalka.

blankKulanka oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa gunaanadkiisa laga soo saaray war-saxaafadeed xambaarsan Baaq loo diray Xukuumadda, hay’adaha Warbaahinta iyo masuuliyiintooda, Suxufiyiinta iyo hay’adaha Caalamiga ahba.

War-saxaafadeedka oo uu soo saaray Ururka SOLJA oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost Ayaa u qornaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo daneeyayaasha saxaafadda Somaliland ayaa iskugu yimid xuska maalinta caalamiga ah ee ‘Cidhibtirka Gefafka Ka Dhanka ah Warbaahinta’ oo loo Asteeyay 02 November 2019, socdayna muddo laba cisho waxaanay ka soo saareen baaq ku wajahan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta Warbaahinta iyo dar-dargelinta ilaalinta xoriyadda warbaahinta.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo ka duulaya muhiimadda saxaafaddu u leedahay qaranka, isaga oo isha ku haya heerka xuquuqda warbaahinta ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay, isaga oo la tashi la sameeyay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa banaan, ururadda bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta iyo mihnadlayaasha saxaafadda waxa uu xuska maalintan awgeed u dirayaa baaqan cidda ay khusayso.

Dawladda:

  • Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay ilaaliso, joojiso isla markaan meesha ka saarto falalka ka dhanka ah shuruucda ee lagu cabudhinayo warbaahinta, wixii gef ee dhacana loo maro nidaamka sharci ee uu jidaynayo xeerka saxaafadda JSL 27/2004, Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xoriyadda warbaahinta
  • In xukuumaddu dardar-geliso ansixinta xeerka cusub ee warbaahinta ee ay gacanta ku hayso
  • In aan suxufi amase hay’ad warbaahineed laga hor istaagin hawl-gal saxaafadeed iyo helista xog ama war muhiim u ah bulshada
  • In la xoojiyo hanaanka wada shaqayneed ee ururadda bulshada, mulkiilayaasha saxaafadda iyo suxufiyiinta, waxa kale oo muhiim ah in la kala xadeeyo mulkiilayaasha iyo suxufiyiinta oo ay dawladdu isha ku hayso gabood fallada ku dhaca weriyayaasha ee kasoo gaadha mulkiilayaasha.

Saxaafadda:

  • Waxa uu ururku uga baaqayaa mihnadlayaasha saxaafadda in ay ilaaliyaan shuruucda warbaahinta u taal, bartaanna shuruucda hagta mihnadda warbaahinta iyo in ay iska jiraan wax kasta oo aan sharciga waafaqsanayn oo u soo jiidi kara dhibaato
  • In ay ka faa’idaystaan deeqaha warbarasho ee ay bixiyaan jaamacaddaha dalku sida deeqda ay ka wada shaqaynayaan SOLJA iyo Wasaaradda warfaafintu, anaga oo ka urur ahaan ku bogaadinaynaa talaabooyinka Dhiirigalinta ah ee uu qaaday wasiirka Warfaafinta ee ay ka mid tahay in miisaaniyadda qaranka loogu daro kharash lagu horumarinayo aqoonta suxufiyiinta
  • In ay ilaaliyaan nabadda, wadda-jirka bulshada, in ay iska ilaaliyaan buun buuninta iyo faafinta wararka been abuurka ah ee sababi kara jahwareer bulsheed iyaga oo ay waajib tahay in ay dareemaan saamaynta wararkooda iyo warbixinahooda ka hor inta aanay faafin.
  • In ay ilaaliyaan Anshaxa saxaafadda ee uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo faraya in warbixinadda ay fidinayaan noqdaan kuwo run ah, sugan oo dheelitiran.

==> Mulkiilayaasha Warbaahintu inay siiyaan Suxufiyiinta u shaqaysa xuquuqaadka ay ku leeyihiin, si ay Wariyayaashu bulshadooda ugu adeegi karaan iyaga oo aan ka war warsanayn xaaladahooda nololeed ama aan looga faa’iidaysan baahiyaadkooda Aas aasiga ah ee ay ku leeyihiin hay’addaha ay u shaqeeyaan ee sharcigu jideeyay.

==> Tafatirayaasha Hay’addaha warbaahintu inay xil iska saaraan masuuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee uu saaray Xeerka Saxaafaddu ee ah in lagala xisaabtami doono wax kasta oo ay baahiyaan Suxufiyiinta ka hoos shaqeeyaa

Hay’addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa dhamaan hay’addaha kala duwan ee taageera Saxaafadda inay laban laabaan qorshayaashooda ku waajahan horumarinta Suxufiyiinta iyo hay’adaha saxaafadda.

Ugu danbayn Ururku waxa uu uga baaqayaa dhamaan daneeyayaasha Saxaafadda iyo cid kasta oo ku lug leh arrimaha warbaahinta inay ka qayb qaataan talaabo kasta oo lagu horumarinayo Saxaafadda isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo Sumacd xumo u keeni kara Warbaahinta Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories