HomeBayaan 16 Qodob ka kooban oo Fashiliyey Fadeexado maamul oo ka jira...

Bayaan 16 Qodob ka kooban oo Fashiliyey Fadeexado maamul oo ka jira Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bayaan ka kooban 16 Qodob oo ay soo saareen Ururka Macalimiinta Qaranka, ayaa bannaanka soo dhigay gal-daloolooyin maamul oo ka jira Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Bayaanka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Ururka Macalimiinta, ayaa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska loogu jeediyey inay ku soo laabato tubta Sharciga, sida ka muuqata bayaanka oo lagu xusay qodobbo sharciga maamul baalmarsan isla markaana ku-tumasho awoodeed ahi ka jiraan Wasaaradda gudaheeda.

blankBayaanka oo taabanaya dhinacyo badan oo kala geddisan, nuqul ka mid ahna la soo gaadhsiiyey warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u dhignaa sidan:

  1. Wasaaraddu ha ka dignaato laalista heshiisyada sharciga ah ee lala galo shirkadaha, haayadaha iwm
  2. Urur ahaan waxa aanu soo jeedinaynnaa in la saxo qaabdhismeedka wasaaradda. Nin uu wasiir magacaabay ayaa ku-xigeenku eryayaa, sida Guddoomiye waxbarasho oo gobol. Xeerjebin ayaa aannu u aragnaa
  3. Waxanu ku baaqaynnaa in la siiyo lacagtooda bareyaasha dib-u-eegista iyo tifaftirka ku sameeyay manhajka 2021ka, waxa ay hawshooda dhammeeyeen dhammaadkii Juun 2021ka, laba bilood ayaa la meermeerinayaa. Waxa loo diray hawl adag oo aan hal shilin loo haynnin
  4. Waa in xal laga gaadho khilaafka wasaaradda ragaadiyay ee u dhexeeya wasiika iyo agaasimaha guud, kaas oo cubbadhawray shaqadii qaranka. Wasiirku waxa uu xilka yimi isaga oo bacaysan, taladiina waa uu maroorsaday
  5. Wasaaraddu yay bareyaasha u ciqaabin arrimo aan waxbarashada khusaynnin, sida dhul ay qoyska madaxweynuhu xoog ku qaadanayaan, qoraallo ay Facebook ku qoreen iyo wax an sakaaro ka biirsannin
  6. Waa in noolka la bixiyo bareyaasha dhammaystay Dugsiga Tababarka Macallimiinta, isla markaana la siiyo mudnaanta shaqada ee macallinnimo. Laba sanno ayay tababar ku jireen, halka ardayda shaqo qaran ay 6 bilood tababar qaataan
  7. Wasaaradda waxbarashadu ha xurmayso xeerka shaqaalaha dawladda ee dhigaya hannaanka anshaxmarinta ee sharciga ah. Waa foolxumo in la arko shaqaale anshax marinaya shaqaale kale.
  8. Wasaaradda waxbarashadu ha ilaaliso xuquuqda shaqaalaha, tababarrada macallimiinta iyo xaaladaha ku gedaaman shaqaaleweynaha hoos taga maamulkeeda.
  9. Waxa aan ku baaqaynnaa in halkiisa lagu hakiyo waxkabeddelka aan muqarrarka waafaqsanayn ee manhajka lagu sameeyay 2021. Waa mid qas iyo qalalaase ku ah waxdhigista iyo habraaca manhajka
  10. Waa in ay meel isugu biyoshubtaan dharka ardayda ee weli qalaamarogadka ahi
  11. Marka waxbarashada loo magacaabayo guddoomiye gobol, ha laga fuuryeelo cidda saaxadda barashada iyo barbaarinta ku jirta, tusaale ahaan Guddoomiyeha waxbarashada Awdal wuxuu shaqaale ka ahaa wasaaradda arrimaha gudaha.
  12. Caydhinta masuuliyiinta ee degdegga ahi waxa ay sababaysaa in shaqadi curyaanto, ha la joojiyo magacaabista iyo maagista aan cilmiga ku dhisayn. Jago qudha ayaa sannad gudihii 4 qof isaga dambeeyaan.
  13. Wasaaraddu yaanay sabab la’aan u eryin ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Itoobiya, waxa ay la kulmeen awoodsheegasho sharcijebin ah
  14. Waxa aannu raalligelin buuxda siinaynnaa xildhibaannada qaranka ee Wasiir Toorno aflegaaddeeyay iyaga oo kala hadlay dan ummadeed
  15. Waxa aanu soo dhawaynaynnaa in Golaha Wakiillada Somaliland u yeedhaan Wasiirka Waxbarashada, la xisaabtamaan oo qalloociisa farta u saaraan
  16. Wasaaradda waxbarashadu waa inay hubiso dugsiyada keensada bareyaal shisheeye ah oo dhiga casharro ay macallimiinta dhaladka ahi bixin karaan.

Allaa Mahad Leh
Maxamed Bashiir Maxamed
Afhayeenka Ururka Macallimiinta Qaranka Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories