Home‘Baslow, Hooyo Kun Shilin ayaan Haystaa!’ – W/Q: Cabdifataax Sh. Nuux Jaamac

‘Baslow, Hooyo Kun Shilin ayaan Haystaa!’ – W/Q: Cabdifataax Sh. Nuux Jaamac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWaa goor Casar dheere ah oo saacadu ku sii siqayso abaaro 3:40 galabnimo, waa wakhti la dareemayo roob tus ah oo cadceeda falaadhaheedu si toosa kaaga dhacayaan wadnaha, hadii aad inyar sii taagnaatana aad Is odhanayso malaha wadnahaa ku istaagi, goobtu waa basaska Jigjiga yar ee laga raaco istayshanka dhexe ee Hargaysa agtiisa, caado umaan lahayn inaan wakhtiyadaasi baxo, balse dano ii gaara iyo hawlo iga qabyo ahaa ayaan u soo baxay  si aan u soo dhamaysto, basku waa kuwa rakaabka ah, dadkuna si teel -teel ah ayuu kolba qof u soo korayaa, qadar daqiiqado ah gudahoodna basku wuxuu ku dhawaaday inuu buuxsamo, isla waxoogaa ka bacdi ayaa isagoo baskii hal kursi oo kali ah uu ka banaan yahay ayaa waxaa soo kortay qof wayn oo hooyo ah ,baskii  ayay halhaleel ku soo fuushay ,iyadoo  kolba bir cuskanaysa ayay salka la tiigsaday kursigii ugu dhawaa oo ah kan kaliya ee banaanaa, gabadhii garab fadhiday ee dad ugu dhawayd  culays aanay  qaadi karayn baa saaran, oo islaantii ayaa kolba intay tiigsado  qabsanaysa si aanay uga dhicin kursiga oo waxoogaa jilicsanaa, Gacmuhu way gariirayaan, lugahana way qaadi kari laadahay, waa islaan da’deedu gu’gii lixdanaad tirsanayso , waa wayd diifaysan oo in waayuhu dafireen ay dusheeda  ka muuqato, waxay xidhan tahay diric shiid ah oo aad arkayso in wakhtigiisii uu dhamaystay oo dhinacyada ka fagmay, shalmada ay huwantahayna waa shalmad akhtara oo tacjad u dhamaaday, kabahay xidhantahayna iska daa dhaska iyo boodhka saaran, waxaad si shaki la’aan ugu qancaysaa inay tahay hooyo daranyaysan oo aanu nasiibka u saamixin inay ku raaxaysato dunidan, sidoo kale waad dareemi karaysaa inaanay soo marin maalmo macaan badani, aduunyo!! Isla markiiba waxaa uu wiilkii baska la socday (Kirishbay) bilaabay inuu lacagta isku soo dardara yidhaa, la isku soo dardar isagoo kolba hadalo hanjabaadi ka muuqato ku leh idinku kuwiinaasi isku soo dara, dadku naxariis badanaa oo dhago nugulaa. Dadka meesha saarani waa dad waawayn oo waalidiin u badan, marka laga tagi waayo baska dhawr dhalinyaro ah ayaanu ku saaranahay, si dagdaga ayaa lacagtii la iskugu soo dar -daray, waxoogaa ka bacdi ayuu xagii islaantii da’da ahayd u jeestay, wuxuuna waydiiyay lacagta, horay umay maqal waayo waa qof da’a ah oo dhagaha lafteeda si fiican waxba ugama maqlayso, indhuhuna inay daciifeen waxaad ku garanaysaa muraayada way n ee ay indhaheedu ku jiqda yihiin,hanjabaad aanay filayn ayuu wiilkii (kirishbaygii) kula dul kufay islaantii, wuxuna si aan ixtiraam, qadarin iyo maamuus aanu ku jirin ugu yidhi “Eeyaa Waa Islaanta Keen Lacagta” fajac, amakaag, af-kala qaad, u qaadanwaa, iyo mahadho aduun ayaa qofkasta oo baska la socday afka gacanta saaray, waa wiil yar oo islaan todobaatan jir ah oo ayeey u noqon karta , toban jeerna dhali karta u hanjabaya, isla markii ay hadalkiisii maqashay ayay soo saartay waxoogaa shilimo ah oo tacjaday oo ay ku haysay  Kiish kuwa gacanta ah oo ay sidatay, waxaanan is idhi siday shilimadaa yar ku soo heshayba uu ilahay ogaa, intay soo fidisay ayay ku tidhi “Hoo Hooyo, Kunkaa Shilin Ayaan Haystaaye Duco Qaboow” intuu eegay oo uu tiriyay ayaa markii uu ogaaday inay kala dhimantahay ku soo daadiyay islaantii lacagtii yarayd, markaasaa intuu af –joogii qayliyay dirawalkii gaadhiga amar ku siiyay inuu joogsado, isla markii uu gaadhigii joogsaday ayuu wiilkii ugu hanjabay islaantii inay ka soo dagto, ama lacagta soo dhamays tirto, dhamaan dadkii baska saarnaa ayaa mar wada qayliyay  oo isla oogsaday sawaxan, buuq iyo qaylo isagoo qofkastaa uu jeebkiisa ka soo saaray lacagta baska si ay islaanta u damaanad qaadan, waxaan arkayay dadkii baska saarnaa oo dhamaantood mar kaliya gacanta wada saaray wiilkii yaraa ee kibirka sanka la taagayay, iyagoo qaar u hanjabeen, qaar kalana hadidayeen,halka qaar kalana waano iyo tusaale is huwan ay mar kaliya maskaxdiisa ku tuurayeen, dirawalkii baska oo ahaa isna mid naxariistu ka guurtay oo aad is odhanayso malaha kumuu soo dhawaan walaalo iyo wehel toona, ayaa halkan habaar la dul istaagay shacabkii baska saarnaa, isagoo isaguna ku raacay khaladka  wiilkii ( kirishbayga) ahaa, una sheegay in lacagta hadii uu shilin ka dhiman yahay aanu qaadanayn, isku soo wada duuboo, baskii waxaa ka dhex bilaabmay fawdo, qalalaase iyo in la is waydaarsado hadalo kulul oo markii danbe isku badalay gacan ka hadal, waxaa kacay mid ka mid rakaabka oo aan is idhi wuu ugu dhiig kululaa dadkii baska saarnaa, wuxuuna dhirbaaxo isla kala jiiday wiilkii ( kirishbayga ) ahaa taasi oo dadbadan oo baska saarnaa ay u sacab tumeen kuna taageereen ficilkaa uu muujiyay, laakin nasiib daradu waxay ahayd markii ninkii ( dirawalkii ) basku, inta uu gadhigi joojiyay uu isna la soo baxay (bir) taasi oo uu doonayay inuu ugu aar gudo wiilka (kirishbaygiisii ) ee la dhirbaaxay, taasi oo iyaduna sii sababtay inay dadkii baska joogay la saftaan ninkii baska saarnaa ee shacabka ahaa, taasi oo ay ciyaar cusubi halkaasi ka bilaabantay oo ay noqotay dirawalkii iyo kirishbaygiisii iyo shacabkii baska saarnaa oo dhan, taasi oo waxooga is jiidjiidasho ah  dad badani goobtii ku soo urureen kuwaasi oo qofkastaa uu eeda saaro baslihii ( dirawalkii ) ugu danbayntiina muran dheer iyo dood la is waydaarsaday ayuu raali galin ka bixiyay baslihii ( dirawalkii) isagoo sheegay inuu xaal ka bixinayo wixii goobtaasi ka dhacay, isla goobtiina uu ku eryay kirishbaygiisii oo isagu af –xumaa, hooyadiina markay baska sii koraysay waa ay u sheegtay dirawalka waxanay ku tidhi “ Baslaw Hooyo Kun Shilin Ayaan Haystaa” taasi oo ay sii afeefatay intaanay baska korin, laakin uu basluhu iska dhago tiray,si aan looga gar helin, isku soo wada duuboo dhaqan xumada basas layaasha ayaa ah qaar aan loo dul qaadan Karin, taasi oo ay maalinkasta dhacaan boqolaal arimood oo tacadi ah oo basaslayaasha iyo kirishbayadu ku hayaan shacabka raaca basaska, iyo ardayda jaamacadaha iyo iskuulada dhigata,ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa in shacabku ay gacantooda wax kaga qabtaan basaslayaasha kuwii af-lagaado iyo dhaqan xumo ku kaca, iyaguna ay ixtiraamaan basaslayaasha, si ay xeedho xeedho u noqoto ilkana u nabad galaan.

Qalinkii : C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email:Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Social Activist

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories