HomeBaro Qaababka aad Lacagta Ku soo Gasha Wax uga Kaydsan Karto

Baro Qaababka aad Lacagta Ku soo Gasha Wax uga Kaydsan Karto

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Qaababka aad Lacagta Ku soo Gasha Wax uga Dhigan Karto Kharashkaagana Si Caqli Ku Dhisan U Xakamayn Karto:

 

Haddii aad hadda uun shaqo bilowday, ama aad jeceshay in aad kayd ka samaysato lacagta ku soo gasha si aad noloshaada mustaqbalka ugu isticmaasho ama aad ugu diyaar garowdo kharashyada marar sida lama filaanka ah u soo dhaca ama xataa aad doonayso in aad lacagta ku soo gasha ka kaydsato qayb aad ugu talogashay waxbarashada mustaqbalka ubadkaaga waxa aad ogaataa in gaadhista bar tilmaameedkaasi lama huraan ka dhigayo in aad qaab maskax iyo xisaab ku dhisan u isticmaasho dakhliga ku soo gala:

 

  1. Naftaada runta uga sheego xaaladahaaga dhaqaale: Iska jir in aad si caadifad iyo qiiro ku dheehan tahay u qaadato go’aamada la xidhiidha kharash bixinta, naftaada u sheeg runta duruufahaaga dhaqaale iyo halka uu marayo dakhligaagu, iskana jir in aad kharash ku gasho fikir la’aan iyo adiga oo aan ka baaraan degin waxa kaa anfacaya.

Ha iska iibsan wax yaabo aan anfac kuu lahayn ama baahidoodu aanay markaa taagnayn.

  1. Si xirfad leh u adeego: Inta aanad shayga iibsan, ku dadaal in aad meelo kala duwan ka soo baayacdo, is weydii in ay jiraan wax yaabo ka jaban oo waxa uu shaygani kuu qaban kara kuu qabanaya ama baahida aad u qabto daboolaya, daraasee farqiga u dhexeeya labada shay ee aad ka qaaliga ah dooranayso.
  2. Haftada : Ku dadaal in aad deynsato alaabooyin aad hubto in aad iska bixin karto kharashkooda, isla markaana ah wax aad u baahan tahay ama anfac kuu leh oo hafto aad u yar lagaaga qaadayo muddo, waxa ay taasi daboolaysaa in kharash aad macne darro ku bixin lahayd aad ku qasbanaato inaad u dhigto daynta haftada lagaaga guro ee ku sugaysa.

Dhanka kalana ku dadaal in shay kasta oo aad naqad ku iibsanayso si fiican isaga baayacdo.

  1. Kharash bixinta: Iska jir in aad kharashka u bixiso si bilaa fikir ah ama aan nidaam iyo qorshe ku socon, ku dadaal shan caado oo maalkaaga aad ku ilaalin karto.

 

Samayso akoon ama sanduuq kayd oo lacagta aad dhigato, lacag kasta oo ku soo gasha ha ku degdegin in aad wada isticmaasho markaba, tusaale ahaan qiyaas go’an boqolkiiba 25% ku rid akoonka adiga oo og in aad u baahan tahay, kadib inta kale marka aad isticmaasho, waxaa suurtogal ah in aad ka maaranto wixii aad uga baahnayd,

waxaa dhacda in xiisaha hore uu qofku wax yaabo badan iibsan karo, laakiin hadhow marka uu xisaabtamo uu qoomameeyo wax yaabo badan oo uu iibsaday.

 

Ku dadaal in aad lacagta ku kaydsato meel kaa durugsan ama aanad mar kasta si sahlan ku gaadhi karin, tusaale ahaan haddii aad akoon ku leedahay bangiga ha samaysan jeeg ee samayso buug si marka aad lacag u baahataba aad ugu qasbanaato in aad adigu kacdo oo la soo baxdo,

taasi waxa ay keenaysaa in marar badan lacag aad isticmaali lahayd aad isaga dayso wahsi ama haleeli waa, haddiise aad jeeg leedahay cid kasta ayaad u diran kartaa.

Iska jir daymaha waaweyn ama deymaha mar keliya lagaa wada rabo, ee aan haftada ogolayn. Kun dadaal in aanad qaadan deyn aanad hubin in shayga aad ku qaadanayso baahi weyni kuu hayso.

 

Si joogto ah u qor una xisaabi dakhliga ku soo gala iyo kharashkaaga, waayo marka ay naftu xisaabtanto ee ay aragto in kharashka ay isticmaashay badan yahay waxaa fududaanaya in cadaadis lagu saari karo dhimista kharashkaas.

 

Dakhliga ku soo galaa ha noqdo mid inta aanu imanba aad sii ogtahay meelaha aad u isticmaalayso. Waa in aad sii xisaabisaa inta bangiga aad dhiganayso, iyo inta kharashka ah, kuna dadaal wixii intaa ka badan ee kharash ah in aad dhinto ama badh deyn hafto ah ku qaadato.

W/Q Ugaas Mohamed dek ina Muuse

Email: mmuuse16@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories