HomeBarnaamij Faafinta Mahdabka Shiicada ah oo Soomaaliya laga wado iyo Maamulka Muqdisho...

Barnaamij Faafinta Mahdabka Shiicada ah oo Soomaaliya laga wado iyo Maamulka Muqdisho oo walaac ka muujiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa walaac ka muujiyay barnaamij ku saabsan faafinta Mahdabta Shiicada ee Diinta Islaamka ku abtirsata oo Muqdisho laga wado.

Maayarka Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inay soo gaadheen cabashooyin ku aaddan arrintan oo sheegaya in Hay’addo iyo Ururo aan dawli ahayn oo huwan shaadh ah inay arrimo gargaar ka shaqaynayaan balse ku hawlan faafinta Mahdabta Shiicada.

“Waxaa jira cabashooyin ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, gaar ahaan culumada, abwaannada, aqoon-yahanka iyo dhaqanka, taasoo ah in Muqdisho waxaa ka socda mashruuc dadka madhabta Shiicada lagu barayo, waxaana howshan wada NGO-yo ku gabanaya inay arrimo gar-gaar wadaan, arrintaasna walwal ayay na gelisay,” ayuu yidhi Xasan Muun-gaab.

Mr Muungaab, waxa uu qaybaha bulshada iyo maamulka ku baraarujiyay in arrintaasi laga feejignaado “Hay’adaha amniga gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, dhallinyarada iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka hor-tagaan arrintan ayna soona qabtaan NGO-gii isagoo faraha kula jira la arko, waayo innagu Xamar ayaa xukunnaa in Shiico dadkeenna la barana ma aqbalayno. waayo waxaan awalba qaati ka taaganayn argagixisada ah, ma ogolaanayno in la keeno Shiico”.

Duqa Muqdisho, waxa uu sheegay inay wadaan baadhitaano dheeraad ah oo arrintan ku saabsan marka la gabogabeeyana war bixin rasmi ah laga soo saarayo, waxaanu intaasi raaciyay “NGO-gii lagu helo inuu Shiico Muqdisho ku faafinayo xitaa 1% sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan albaabbada ugu laabanaynaa, dalkana waa laga eryayaa,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Faafinta Mahdabka Shiicada ee Soomaaliya uu yahay qorshe colaad lagaga abuurayo dalkaasi.

qaqaShacabka Soomaalida, ayaa ka tirsan Dunida Muslimka ee aaminsan Mahdabka Sunniga ee ku abtirsata Diinta Islaamka, taas oo ah ta ugu badan ee Caalamka Islaamka laga aaminsan yahay.

Waddanka Iiraan, ayaa ah dalka ugu badan ee laga aamisan yahay Mahdabta Shiicada, iyada oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Azerbaijan, Yemen, Pakistan iyo Sucuudigu ay yihiin meelaha kale ay ku nool yihiin Muslimiinta Aaminsan mahdabta Shiicada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories