HomeBarlamaanka Ingiriiska oo lagaga dooday Saamaynta ka dhalatay Booqashadii Madaxweyne Muuse Biixi...

Barlamaanka Ingiriiska oo lagaga dooday Saamaynta ka dhalatay Booqashadii Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Dalka Guinea & tallaabadii Somalia kaga fal-celisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Baarlamaanka Dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa Isniintii todobaadkan lagu soo qaaday saamaynta ka dhalatay Booqashadii madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Guinea, taas oo sababtay in dowladda Somalia si ba’an uga cadhooto, isla markaana xidhiidhka xidhiidhka dibloomasiyadeed u jarto dalka Jamhuuriyadda Guinea oo si heer caaalami ah u qaabilay Madaxweynaha Qaranka.

 

Dawlada boqortooyadda Ingiriiska waxa ay shaaca ka qaaday in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Guinea aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Fadhi Baarlamaanka Ingiriisku yeeshay Isniintii dorraad, ayaa xildhibaan Liz Mclnness oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Labour-ka si dhawna u taageerta Qadiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland su’aal ku weydiisay xukuumadda Raysalwasaare Thresa May qiimaynta ay ku sameeyeen khilaafka dublamaasiyadeed ee dawladaha Soomaliya iyo Guinea.

 

blank

 

Dowladda Ingiriisku waxa ay sheegtay inay xog ogaal u tahay arrintaas iyo jiritaanka saamayn khilaafkaasi ku yeelan karo Jamhuuriyadda Somaliland iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ay la leedahay Beesha Caalamka.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Harriet Baldwin oo ka jawaabaysay su’aashaasi, ayaa tidhi, “Ingiriisku xog ogaal ayuu u yahay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Guinea. Labada wadan, iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda iskaashi”.

 

Mrs. Baldwin,  waxa kale ay xustay in aanu jirin wax saamayn ah oo khilaafka Soomaaliya iyo Guinea ku yeelanayo Somaliland.

 

“Ma garanayno khilaafka Soomaaliya iyo Guinea saamayn uu ku yeelanayo Somaliland. Siyaasada Ingiriisku weli waxay tahay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo federaalka Soomaaliya xal waara ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka,” sidaas ayey tidhi Mrs Baldwin, iyadoo intaas raacisay, “Waxaannu sii wadi doonaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada-hadal nabdoon oo labada dhinac ay yeeshaan,” sidaas ayay tidhi Mrs. Harriet Baldwin, wasiiru-dawlaha Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga  ee Britain.

 

Dhinaca kale, sida laga war qabo waxa xidhiidhka dawladaha Guinea iyo Soomaaliya sii xumaaday markii uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi booqasho ku tagay isla markaana si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Guinea, taas oo sababtay in dawladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay wadankaasi.

 

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories