HomeBarbaarinta Ubadka: Waa Ay Kala Duwan Yihiin In Ilmuhu Dhibco Sare Keeno...

Barbaarinta Ubadka: Waa Ay Kala Duwan Yihiin In Ilmuhu Dhibco Sare Keeno Imtixaanka Iyo Inuu Noqdo Ruux Garaad Badan (Cabqari) Oo Hal-Abuur Leh (Q:1aad)

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Adam Grant oo bare-sare oo cilminafsiga ku xeeldheer ka ah kuliyadda Wharton ee Pennsylvania, dalka Maraykanka ayaa sheegay ilmaha oo waxbarashada dugsiga ku sarreeya ama dhibco aan waalidka aad uga farxin keenaa in aanay calaamad u ahayn garaad badni mucjiso ah, ama hal-abuurnimo iyo curis in uu la soo dhashay sida ay in badan waalidiintu u qabaan.

Adam Grant oo arrintan tusaale ku sii caddaynaya ayaa sheegay in tartanka caanka ah ee lagu magacaabo Tartanka Westinghouse ee Hibooyinka Sayniska (Intel Science Talent Search) oo ah tartanka ugu weyn dalka Maraykanka oo muddo 57 sano ah lagu kala reebi jiray heerka maskaxeed iyo hibada ay ardayda dugsiyada sare sii dhammanaysaa u leeyihiin Sayniska, oo la bilaabay sannadkii 1942kii lagu ogaaday in 2 kun oo arday oo tan iyo sannadkii 1994kii ku guulaystay dhibcihii ugu sarreeyey ee tartanka, haddana boqolkiiba 1 keliya oo ka mid ahi uu gaadhay heerkii qiyaasta Akademiyadda Qaranka ee Sayniska, 8 qof oo keli ahina ay ku guulaysteen abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize qaybteeda Sayniska, taas oo macnaheedu yahay in carruruta hibada leh, marka ay weynaadaan, ay dhif uun noqdaan dad maskaxdooda iyo garashadoodu ka sarrayso inta caadiga ah (Cabqari).

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay aaminaan in duruuf bulsho, xaalado nafsi ah iyo waayo nololeed oo tartanka ka dib la soo darsay ardaydani ay wax ka beddeleen garaadkii xilligii tartanka lagu ogaa, laakiin khabiirkani isaga oo arrintaas ka jawaabaya waxa uu sheegay in taas qudheeda la hubiyey, oo la ogaaday in ardaydan muddadii ka dambaysay tartankan illlaa markii daraasadda la samaynayey aanay dhicin wax uun laga baqan karo in ay caqabad ku noqdaan ama hakiyaan garaadkoodii.

Haddaa waa maxay sababtu?

Grant oo su’aashan ka jawaabayaa waxa uu sheegay in sababta ardaydan hoos u celisay ay tahay ardaygan oo marka hore sababta uu heerkan u gaadhayey aanay ahayn mid isaga doonistiisa iyo jacaylka niyaddiisa ku timid, isaga oo sii sharraxayana waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Carruurtani dadaalkii ay sameeyeen ee heerkaa ku gaadheen waxa uu ahaa mid uu ku kallifay keliya si ay u raalli geliyaan ehelkooda, uguna kasbadaan jacaylka macallimiintooda, laakiin wax fikirkooda iyo maankooda ka soo maaxday oo ay dadaalkaa ku sameeyeen ma’ uu ahayn”

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska caanka ah ee New York Times, waxa uu khabiirku sii caddeeyey kala duwanaanshiyaha marka uu ardaygu doonayo in uu darajo sare keeno iyo marka ay qasbayaan cadaadis kaga imanaya waalidka ama macallinka ama arrin kale, “Qofka Hibada lihi waxa uu awoodaa in uu tumo muusigga Mozart, laakiin dhib ayaa uu curiyaa muusig isaga u gaar ah. Ardaydani waxa uun ay xoogga saareen keliya fahamka iyo xafidsta xogta iyo cilmiga la siiyey, laakiin maskaxdooda kama ay soo mirin wax cusub, wax cusub ma’ay curin” La soco…

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories