HomeBARASHADDII KHASAARTAY QEYBTII 4-AAD W/Q: MOHAMED HASSAN DAACAD

BARASHADDII KHASAARTAY QEYBTII 4-AAD W/Q: MOHAMED HASSAN DAACAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ayaanle,waa uu sii hadlay,waxaana uu xasuustay dhacdo kale oo iyana xanuun-badnayd,taas oo uu kasoo martay Jacaylka Inantaas,waxaana sabab u ahaa Hablo ay Inanta saaxiibbo yihiin,taas oo keentay in Ayaanle xabsigga loo taxaabbo,habeenno iyo maalmo qalafsanaana uu halkaas kusoo qaato,waxaana uu yidhi “  Waxay ahayd maalin maalmaha ka mid ah,waxaanan ku socday Suuqa hoose ee Magaaladda,halkaas oo aan doonayay in aan hawlo ii gaar ahaa kasoo qabsaddo iyo in aan kula kulmo qaar ka tirsan asxaabta oo aannu halkaas ku ballan-sanayn.Sidii inta badan ii caadada ahayd waxaan soo maray Jid aan inta badan is-ticmaallo,kaas oo loo maro Suuqa,waxaanan xidhnaa Dhar muuqaal ahaan wanaagsan oo muujinaya in aan ugu yarraan xaragoonayo,waana astaan inta badan ii gaar ah in aan isku dayo in aan maryo muuq-wacan xidho,Ilayn waxaan ahay Nin suuqa baadhanayee (Guur-doon ah). Hadda ma xaqiijin karo in Hablaha halkaas laygu sii diyaariyay oo laga war-helay dhaq-dhaqaaqayga iyo inkale.Balse waxaan ogahay in sida ay wax-u-dheceen u muuqatay mid lagu tallo-galay oo xataa aannay is-qabanayn oo middiba ta kale ay ku raacaysay kolba taalabadda ay qaaddo sax-ahaan iyo khalad-ahaanba.

Waxaan marayaa jidkii caadigga ahaa ee aan suuqa inta badan u mari jiray,jawi-ahaana waxaan dareemayaa farxad iyo fantasiyo wacan,waayo waxa aan rabaa inaan suuqa ka doonto dan aan in badan ku riyoonayay in aan maruun helo iyo in aan la-kulmo saaxiibo aannu aad iskugu dheer-nahay oo ay qaarkood wakhtiyo hore iskugu kaayo danbaysay oo aanan in muddo ah is-muuq-arag. Jidku waxa uu ku teedsan yahay Guryo badan oo inta badan waxa looggu tallo-galay in Lugta uun lagu maro oo ma-isticmaalaan noocyadda gaadiidka,marka laga reebo kuwa ay dadkan xaafadda daganni leeyihiin oo inta badan Guryaha hor-yaalla.

Sida caadigga ah,qofku marka uu kalligii socodo naftiisa ayuu la shawraa,waxaana uu dhex-dabaasha mawjaddo iyo Hirar aduunyo,kuwaas oo ka talaabiya xataa goobta uu wakhtigaas ku sugan yahay.Annigga oo iska socda,naftana la hadlaya,kana fikiraya waayaha nolosha iyo duruufaha igu xeerran,ayaan markaliya waxaan ka war-helay biyo dushayda ku dhacay,igana yimid mid ka mid ah Guryaha aan hor-marayo! Mar kaliya aan naxay,waanan is-taaggay,waxaanan ka arkay in Biyaha ay soo saydhay Inan (Gabadh) al-baabka guriga aan agmarayo taaggan,isla markaan sidaas u arkayba,waxaan ku idhi: “ Walaalo waa side”?

Inantii ayaa si dagaal ku jiro iigu jawaabtay “ Waar mooyaane soco haddii ay kuu dantahay”.!

Dan maxaya? Miyaanad arkayn sidaad  noo qoysay ee aad Biyaha nooggu shubtay? Miyaad waalan tahay maenad caadi ahayn? Ayaan anigga oo xanaaqsan ugu hal-celiyay!

Haba odhan la-haydee,intaasiba markii ay af-kayga kasoo baxday waxaan ka war-helay raxan hablo ah oo Cay,Shiid iyo weerarba igu haya,in aan wax-iska-celiyo ayaan ku tashaday,waxaana inkaas ka diba xigtay….

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories