HomeBarack Obama oo Shacabka Maraykanka ugu baaqay inay Dhagaha ka furaystaan Hadallada...

Barack Obama oo Shacabka Maraykanka ugu baaqay inay Dhagaha ka furaystaan Hadallada Naxliga ah ee Madaxdooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ayaa shacabka dalkaas ugu baaqay inay iska diidaan oo dhagaha ka furaystaan hadallada dhiirrigelinaya nacaybka iyo midab-takoorka ee ka soo yeedha hoggaamiyeyaashooda.

 

Mr Obama cid gaar ah kuma soo qaadan hadalkiisa, laakiin hadalkiisan naadirka ah ayaa ka soo yeedhay kaddib markii madaxweyne Donald Trump dhalleecayn kala kulmay hadalladiisa ku wejahan Ajaanib-nacaybka oo qalalaase hor leh ka abuuray dalkaas.

 

blank

 

Balse Madaxweyne Trump ayaa isagu Hadal uu Isniintii shalay jeediyey waxa uu ku cambaareeyey cunsuriyadda iyo in Dadka Cad-cadi ka sarreeyaan dadka kale, waxaanu hadalkiisan jeediyey kaddib markii 31 qof ku dhinteen weerarro toogasho ah oo ka dhacay gobollada Texas iyo Ohio.

 

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Obama, ayaa muddadii uu xilka hayay isku dayay inuu xakameeyey Hubka gacanta ugu jira shacabka balse kuma guulaysan arrintaas, waxaanu sannadkii 2015-tii sheegay in fashilka ku yimi samaynta shuruucda xakamaynta Hubka uu ahaa jaah-wareerkii ugu weynaa ee soo-wejahayn madaxtinimadiisa.

 

In kasta oo Mr Obama uu ka gaabsaday inuu ka dareen-celiyo Weedhaha xaasaasiga ah ee Mr Trump saxaafadda kaga hadlay arrimaha dadka soo-galootiga ah, haddana war-murtiyeed uu Isniinta soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay shacbiga Maraykanku cod dheer ku diidaan luqadaha aan haboonayn ee ka soo baxa hoggaamiyeyaasha dalkaas, kuwaas oo uu sheegay inay abuurayaan cabsi iyo nacayb, isla markaana dhiirrigelinayaan cunsuriyadda iyo kala faquuqa shacabka.­­

 

“Luqad kasta oo kala qaybinaysa aragtida guud ee shacabka Maraykanku maaha mid la qaadan karo, meelna kagama jiraan siyaasaddeena iyo nolosheenna, waa arrin ka soo horjeedda rejada iyo doonista shacabka Maraykanka,” Sidaas ayuu yidhi Mr Obama.

 

Hadallada nacaybka abuuray  ee Mr Trump, ayaa bilaabmay kaddib markii Afar haween ah oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka uu u soo jeediyey inay dib ugu noqdaan dalalkii ay ka yimaaddeen kana caawiyaan qalalaasaha iyo dhibaatooyinka haysta, balse Madaxweynaha Maraykanku waxa uu beeniyey in weedhihiisaasi ahaayeen qaar ku salaysan isir-nacayb.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories