HomeBARAARUJIN KU SOCOTA UMMADAHA SOMALILAND (DANI WAA SEETO) – W/Q : Maxamed...

BARAARUJIN KU SOCOTA UMMADAHA SOMALILAND (DANI WAA SEETO) – W/Q : Maxamed Cali Muuse

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ninkii karanayaa garanaye, Somaliya waxa la isku odhan jiray Waqooyi iyo Konfor. Waqooyi waxa Ingiriisigu xuriyadoo siiyey 1960, bishii lixaad, ( june 26 ), lix iyo labaatankeedii.  Waxa Waqooyi khasaare u horseeday dad magac iyo darajo raadsanaayey oo Waqooyi afduubay.

Wixii Waqooyi ka qabsaday isku darkii Waqooyi iyo Konfor waa lawada ogyahay oo taariikhdaa dhigtay. Waxa Waqooyi ka khasaaray sodon sano iyo in ka badan. Sida dadka badidiisu qabaan Waqooyi waxa loo tiriyaa inta ka dambaysay 1991kii. Mudadan dambe, in kasta oo Somaliland la aqoonsan, haddana heerka ay ka gaadhay dimocraadiya, nabadda, dismaha, horowmarka dhaqaalha, kama gaadhin 1960 ilaa 1991.

Waxa la wada ogyahay in dowladihii hore, tii digtaytar Siyaad, iyo kuwi ka horeeyeyba ayna irbad dun u gelin Somaliland.  Waxa la ogyahay in Waqooyi laga xaalufiyay dhaqaale, waxgarad, iyo baayacmushtarba.  Waxay taariikhu qoreysaa in masxmaalkii Waqooyi loo wada badalay Konfor oo lagu soo badalay dadka tuug ah oo ma xishoodayaal ah. Baacmushtarkii Waqooyi waa kuwii u risiq doontay Konfor ee markii danbana iyaga oo dharkii ay xidhnaayeen lagala hadhay so hoyday.

Runtu dadka ma disho eh way ka nixisaa. Waqooyi oo intiisa badan dabayluhu ka foodhayaan oo dad iyo duunyaba ku sii daba yartay, ayaa ilaahay u bixiyey naftood horayaal. Waxa hubaal ah in naftood hurayaashaasi ayna ku talo jiriin in ay dad an dambi ka gelin laayaan ee ay doonayeen in ay Waqooyi ka horeeyaan mustacmarkii ugu madoobaa ee Waqooyi soo mara. Way jirtay in ay dad badan gardaro ku laayeen, way jirtaa in unna xugunka maantu dheelitirnayn, hase yeeshe wuxuu caqli wanaagsani tilmaamaya in ay gooni istaagu khair u leeyahay Somaliland, loona baahan yahay in wixii qaldan dhaqso loo saxo.  Dadka inta taariikhda akrisata iyo intii soo gaadhay mustacmarkii ingiriisiga waxay ka markhaati furayaan in horowmarka, dimoqraadiyada, iyo nabada maanta Somaliland haysto aynaan horey u arag. Iyada oo aynaan macaawino macna leh iyo aqoonsi ka helin aduun wayenaha, ayaa dhinacwalba horowmar laga gaadhey.

Somaliland maanta uma baahna in haba yaraate-e ka firkiraan in la horfadhiisto Konfor. Waayo  Waqooyi uu wada tashan karaa, laakin Konfor iskuma imman karto waxna kuma wada heshiin karaan. Waxa u fiican oo dan u ah Waqooyi in cadaalad iyo xunkun dheelitiran wax lagu wada qabsado.

Mudo markii laga joogo isku darsigii Waqooyiga iyo Konforta, waxa lagu tilmaamay dadka reer Waqooyiga in ay yihiin dad qaldan ( Somali Qaldaan ). Dadka Waqooyi ma fahmin ujeedada magacaasi. Waxay taladu maanta ku jirtaa in aan dib loo qaldamin oo maantaan ka fiicanahay shalay eh an halgeena ku ekaano. Shirarkan hadda socda dani uguma jirto Somaliland. In ay ka xumaato siday maanta tahay mooyie kolaba ka fiiicnaanmasyo.  Inta reer Somaliland ah ee sacabka u tumaysa Somaliwayn, ha ogaadaan in reer konforeed midnimadii ku aaseen Muqdisho oo ayna Somaliland soo fiqi karaynin. Waxan maqli jiray XAMAR WAA JIQEEY. Maantay u daran tahay oo habar dugaag ku dagaalamayaan. Dani waa seete eh dad reer Somaliland gurigooda ha hagaajistaan.

Qore: Maxamed Cali  Muuse ( North America )

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories