HomeBAQDAAD… laba dun dhexdood!!. Qeybti 1aad.

BAQDAAD… laba dun dhexdood!!. Qeybti 1aad.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

maqaalWaxan halkan idinkula wadaagi doono nuxur kooban oo aan ka soo min guuriyay kitaabka caanka ah ee uu qoray caalimka, sheekha, dhakhtarka iyo taariikh-yahanka wayn ee Dr. Raqibb Sarajani. Kitaabkas oo magaciisu yahay “Sheekadii Tataarka”. Sida aynu in badan ka ognahay sheekadan ama qisadan tataarku waa musiibo wayn oo ku habsatay dunida gaar ahaan dawladihii awooda wayna ee aduunka oo wakhtigaa ah islaamka, waa dhacdooyin sanado socday oo murugo badan, waa nafbaxi iyo halaagii malaayiin muslimiin ah oo isugu jira rag, dumar, caruur iyo cirooleba. Waa dhacdooyin xanuun badan oo midba mid ka sii darantahay ilaa laga soo gaadhay jabintii tataarka iyo dagaalkii “Caynujaaluut”. Hadaba uma socda inan idinka waramo qisadan balse waxan nuxur ka soo koobayaa odhaahda qoraaga iyo qodoboda uu kaga hadlay dhicitaankii baqdaad inta u dhaxaysa boga 371 ilaa 376 waxanan u soo koobay sidan hoos ku qoran:

Sheekada ugama warmayno inay tahay uun taariikh iyo dhacdooyin la soomaray, balse waxan uga waramayna inay inoo noqoto ku tusaale qaadasho, cibro, ka fikir iyo ka faaiidaysi mustaqbalka loo isticmaalo. Sheekhu waxa uu is barbar dhigaya oo laba muqaal oo isku mid ah ku tilmaamay dumitaankii baqdaad ay ku duntay gacanta tataarka casrigii dawaladii cabaasiyiintu ka talinaysay iyo dumitaanka labaad oo ah markii 2003 dii uu maraykanku ku soo duulay ciraaq wakhtigii saddam xussein ka talinayay.

Maraykanka si fiican Ayaan u garanaynaa, ee tataarka maxay ahaayeen?.. waa dad ka soo jeeda qoomiyadaha ku nool aasiyada bari loona yaqaan ‘Mongolians’ waxa hormood u ahaa daalimkii waynaa ee Genghis Khan.

 

Xalay iyo habeen hore maxa isaga eeg!.

Muslimiintii xiligii tataarka noola iyo kuwan hada jooga maxa isaga eeg!.

Madaxda muslimiinta ee hada nool iyo kuwii wakhtigii tataarka maxa isaga eeg!.

Maraykanka Iyo Tataarka Maxa Isaga Eeg !!!!!!.

Xulafada maraykanka iyo xulafadii tataarka maxa isaga eeg!!!.

Waa muuqaal iyo dhacdooyin soo laba noqonaya taariikhda gudaheeda si cajiiba ah.

Waxaa soo baxay maraykan si kadis ah siday u soo baxeen tataarkuba, iyaga oo aan taariikh lahayn. Waxay dileen tobanan, boqolaal iyo kumanan dadkii ku noola qarada America ee hindida cas loo yaqanay si ay dawlad uga dhistaan. Waxay boobeen hantidoodii waxanay ku dhiseen waxay ugu yeedhan xadaaradooda qalfoofkii dadkii wadanka laha.

Way socodeen maalmuhu, dhulkana waxay ka buuxiyeen dulmi iyo xad gudub iyaga oo sheeganaya inay cadaalad, xornimo iyo nabadgalyo faafinayaan.

Maxa iskaga eeg miiska wada hadalka maraykanka iyo kii tataarka !. balamo aan damiir lahayn, heshiisyo aan nabadgalyo lahayn. Kalmado lagu dajinayo shacabka ilaa mudo.. iyo khiyaamayn adamaha iyo balan buryo.

Maraykan-ku waxay ku soo galeen wadamadda muslimiinta xujooyin liita oo aan macno lahayn sida ay tataarku ugu soo galeen. Weerarkooda ugamay baahnayn cadaymo maskaxaysan ama xujooyin toosan.. balse waxay ahayd ismoodsiisyo kala sareeya.. iyo sheegashooyin is huwan. Mar waxay la daalamayaan argagixiso.. marna waxay hirgalinayaan dimuqradiyad.. mark waxay xoraynayaan shacab wayne.. mar waxay baadhayana hubka!!. Muhiim maha sababta ka dambaysa inay soo weeraran wadamadda islamka balse waxa muhiim ah inay arin go,an ahayd inay soo galaan.

Dagaalka maraykanku waa sidii kii tataarka oo kale oo kala sooc malaha, magaalo iyo miyi, rag iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeel. Waxay boobeen hantidii umada muslimiinta sidii tataarka oo kale.

Maxa u dhaxeeya lacag in la dhaco iyo pitrool la dhaco, in manhajka waxabarashada ee bulshada la badalo iyo lagubo.

 

Weerarka Tataarku ay ku rideen baqdaad iyo kan maraykan ka maxa isaga eeg. Tataarku intaanay ridin baqdaad waxay soo rideen dawladi ka talinaysay afganistan, sidoo kale maraykan ku intaanu ridin baqdaad wuxuu riday dawladii afganistan ee ay hogaaminayeen dalibaan waxanay saldhigyo milatari ka samaysteen bakistan iyo uzbakistan sidii tataarkuba uga samaysteen!!! “Miyay isku soo dardaarmeen, waa qoom xadgudbaya” Dariyat 53.

Silamida sidii tataarku maal iyo masxaba ugu soo diyaar garoobay weerarka ay aduunka islamka ku soo qaadeen ayaa maraykankuna u soo diyaargaroobay. Waxanay labadooduba ka simanyihin inay aduunkii u kala qaybiyeen dawlado cadow ku ah oo ay la dagalayan iyo qaar awood daran oo ay taageerayaal ka dhiganayaan.

 

Hamse Osman Hassan,Xamseleeb@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories