HomeBannaan-bax lagaga Soo horjeedo Mastaafurinta Sharci-darrada ah ee Dadka Magan-gelyo-Doonka ah oo...

Bannaan-bax lagaga Soo horjeedo Mastaafurinta Sharci-darrada ah ee Dadka Magan-gelyo-Doonka ah oo Dhacay magaalada Franfurt iyo Xog-warranka Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

deportssFrankfurt (SLpost)- Mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo mastaafurinta sharci-darrada ah ee dadka magan-gelyo doonka eek u sugan dalka Jarmalka, ayaa maalintii Khamiistii ee todobaadkan ka dhacay magaalada Frankfurt ee gobolka Hessen ee Galbeedka dalka Jarmalka.

Muddaharaadkan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadaha Soomaalida iyo Eretariyaanka ku dhaqan gobolka Hessen ee magan-gelyo doonka ku jooga dalkaas, kuwaas oo taageero ka helayay ururro xuquuqda bani’aadamka u dooda ee maxalliga ah, ayaa abbaaro 2-dii Duhurnimo ee shalay wakhtiga dalka Jarmalka ka bilaabmay Madaarka diyaaradaha ee magaalada Frankfurt, waxaanu bannaan-baxan oo qaatay muddo Afar saacadood ku dhow uu sababay inuu hakad ku yimaaddo habsami u socodkii hawlaha madaarka.

Dadka bannaan-baa sameeyey oo tiradoodu gaadhaysay 1,000 qof oo isugu jiray Soomaaliy iyo Eretariyaan ku nool gobolka Hessen ee dalka Jarmalka, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid ay kaga cabanayaan mastaafurin sharci-darro ah oo gobolkaasi ku hayo dadka magan-galyada weydiista ee Farahooda lagaga soo qaaday waddamada kale ee Yurub sida Talyaaniga, Austria iyo dalalka kale ee Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Warbaabinta Gudaha iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawl-gasha magaalada Frankfurt, ayaa goob-joog ka ahayd bannaan-baxa ay dadkani samaynayeen, iyada oo la arkayey wariyeyaal ka tirsan warbaahinta ugu caansan dalka Jarmalka oo ku sugnaa goobta mudaharaadku ka dhacayey

Waddanka Jarmalka, gaar ahaan gobolka Hessen ee magaalo-madaxdiisu tahay Frankfurt, ayaa kula dhaqma dadka magan-gelyo doonka ah inay u mastaafuriyaan Waddamadii u horreyey ee ay Yurub ka soo galeen ee Faraha lagaga qaaday.

Intii uu mudaharaadku socday waxa bannaan-baxayaashu socod ku mareen Xafiisyada Shirkadda diyaaradaha Luhthanka Airways oo qandaraas ku qaadata Dadka la celinayo iyo Xarunta Booliska ee Madaarka, halkaas oo dadku muddo badan bannaan-baxa ka horsamaynayeen.

deprooGuddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida gobolka Hessen ee bannaan-baxa soo abaabushay Maxamuud Cumar Qawdhan oo ka mid ah qaban-qaabiyeyaasha bannaan-baxan oo nooga warramay qaabka loola dhaqmay intii ay mudaharaadka cabashada ka dhigayeen Madaarka magaalada Frankfurt, ayaa sheegay in isla markiiba laga jawaabay cabashadooda isla markaana ay la hadleen saraakiil ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha iyo maamulka Madaarka.

“Markii dambe dadku waxay ku soo noqdeen Terminal One oo ah halkii laga bilaabay mudaharaadka, waxaana halkaas nagula hadlay masuuliyinta ugu saraya diyaarada Luhtthanka Air iyo madaxda madaarka Frankfurt Mr Lukasgerbig, waxaanay dhammaantood noo ballanqaadeen in in hoos loo eegi doonoo cabashoonyinkayaga,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida gobolka Hessen.

deportation2Maxamuud Cumar Qawdhan, waxa uu dhammaan dadkii ka qayb-galay bannaan-baxa uga mahad-celiyey sida wanaagsan ee ay isugu abaabuleen inay tabashooyinkooda u gudbiyaan cidda ay ka cabanayaan, waxaanu sheegay inay mar labaad u ballansan yihiin bannaan-bax kale oo ay cabashadooda ku sii xoojinayaan kaas oo 7-da bisha June ee sannadkan ka dhici doona magaalada Darmstadt ee isla gobalka Hessen ee dalka Jarmalka.

deport deportation3

 

 

Somalilandpost.net

Franfurt/Hessen

Germanay

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories