HomeBANKA GEERIYAAD: SAXARIIRKA ABAARTA + SURBACAADKA KULAYLKA IYO SAHAYDA SIIGADA.WARBIXIN: SALEEBAN KALSHAALE

BANKA GEERIYAAD: SAXARIIRKA ABAARTA + SURBACAADKA KULAYLKA IYO SAHAYDA SIIGADA.WARBIXIN: SALEEBAN KALSHAALE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadda oo Taakulo Jal ah gaadhsiisay Boqolaal qoys oo ku tabaalaysan Saxara la moodka Banka Geriyaad

Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii labaad howl-gal quudin iyo kor-meer  xaqiiqo raadin isugu jira ka fuliyey deegaamo ku teedsan Saxara lamoodka Banka geriyaad ee Gobolka Selel  oo ay abaar soof ma reeba ahi ku haleelshay Dad reer guuraa ah oo halkaa Xoolaha badankoodii kaga baxeen, kaddib markii xaaluf daba dheeraaday iyo xanuunno isu barkadeen.

Bulshada  ku dhaqan Deegaamadan weftigu maanta gurmadka ku maray, ayaa ah  dad ay ka muuqdaan saxariir iyo soomal haad badan oo ay abaartu badday, kuwaasoo ay duruufta baahidu ku khasabtay inay waddooyinka istaagaan si ay Baabuurta halkaa maraysa
u waystaan kaalmo.

giriyaad

Baahidooda ugu darani waa biyo iyo cunto ay afka geliyaan marka ay u gacan haadinayaan  Baabuurta waddada maraysa, taasoo isha aragtaa uun qiyaasi karto marxaladda ay dhab ahaan ku sugayaan gacanta eebbe iyo go’bo caawimo oo bina’aadam uga timaada.

Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa xaalad macaluul iyo haraad gaadhsiisan, in xataa dadku habeenkii  dariiqyada u istaagaan  Baabuurta si ay jal u waydiistaan.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo saaka arroornimadii hore ka ambo baxay Magaalada Geerisa oo fadhigoodu ahaa labadii maalmood ee u dambeeyey,  ayaa  Biyo, cunto fudud oo gacan ka dhiib ah iyo Daawooyin ku siiyey  Qoysas ku talaabaysan duleedka Geerisa ilaa Ceel Gaal inta u dhaxaysa.

Tilmaan ahaan, deegaamada xidhiidhsan,  Caasha caddo, laagta Morohda illaa ceel Gaal  ayaa weftigu waxay kula kulmayeen Maato dariiqyada banka wadhan u baahan gargaar caafimaad, cunto, biyo, gaadiid ay maxasta ku qaataan iyo qaar duunyadii ka dhamaatay oo samato bixin dalbaday.

Geesta kale, Weftiga ayaa intii ay dadkan Taakulada qaybinayeen sidoo kale dadka  ka xog waraysanayey Xaaladooda nololeed ee ka hoosaysa muuqaalka  diifta badani ka sokayso .

Mid kamida ah dhacdooyinka naxdinta iyo xanuunka badan ee ay dadku warameen ayaa ah Hooyo umul ah oo ku dhiig baxday Xaalada dhalmada  laba maalmood ka hor Tuulada Ceel Gaal, taasoo ay Kooxo gurmadka caafimaadka ku shaqo leh oo weftiga la socdaa siiyeen Daawooyin iyo bushqado cuntada nafaqada ah.

Deegaanka Ceel Gaal ma laha xarun Caafimaad. Dadka halkaa ku dhaqanina waxay ka cawdeen la’aanta adeegyada aasaasiga ah, sida  xarun Caafimaad oo lagula tacaalo caafimaadka Carruurta iyo haweenka u jilicsan diifta abaarta. “Gabadhu markay foolato meel loo qaado waxa noogu dhaw Geerisa iyo Saylac, Gaadiidna ma haysano” sidaas waxa tidhi Malyuun oo kamid ah Haweenka Deegaanka Ceel Gaal.

Bulshada ku dhaqan Deegaankan iyo jiida kale ee Weftigu maray dhamaantood waxay masuuliyiinta dawladda ka dalbadeen inay maalinba maalinta ka dambeysa xaaladoodu ka sii darayso, iyagoo musawir buuxa ka bixiyey wacyiga ay ku jiraan oo ay ku tilmaameen mid noole la saaxiibo kuu ugu adkaa.

 

Saleeban Cabdi Cali

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories