HomeBangiyada Ribada ha la furo, mawduuc kale iyo Somaliland, sanadka curtay.

Bangiyada Ribada ha la furo, mawduuc kale iyo Somaliland, sanadka curtay.

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Dad badan oo aqoon yahan leh ayaynu maqlaynaa, oo ka hor imanaya digniintii iyo taladii culumadu ay usoo jeediyeen golihii u xil saarnaa. Haddii la odhan lahaa caafimaadbaa la isku hayaa. Marka dadka caafimaadka u ehelka ahi ka hadlaan waa lagu ixtiraami lahaa. Macanhu maaha in ay caafimaadka inaga xigaan, ee waa inay aqoon u leeyihiin. Sidaas oo kale, culumada diintuna diinta inagam xigaan, laakiin aqoonteeda in iyaga looga dambeeyo ayay ahayd, ahaanna jirtay. Balse baroortu orgiga ka weyne, malaha wax kala ina wata oo meel kalaa la inooga yeedhayaa.
Waxay leeyiin “Waddamada carabtuba way adeegsadaan”. Cajiib! Qolooyinkan carbta inagu dhererinayaa iyaguunbaana marka arrima diineed lala wadaagana yidhaa ha laga yaaco, marka wax ay ku qaldanyiin looga leexdana wuxuunbay odhan ha lagu daydo.

Wadamadaasi waa marka horee, waxay leeyiin gaalo iyo muslim. Waxaana xukuma kaligood taliyayaal iyo boqortooyooyin , aan laga hor iman.
Inaguna waxaynu nahay dad wada muslima. Horumarku haba iska liitee, duul la addoonsado ma nihin, waxaynu naya dad xor u ah, in ay wax diidi karaan. Dad culumadooda aan lagu qasbin khudabadaha ay jeedinayaan ayaynu nahay. Maxaad inoola doonan waddamada masaajidda mar hore badankoodu ku koobay diinta. Kana fogeeyay arrimaha siyaadda. Kuwo kalana intay doonaana kasoo qaata, intay doonaana iska reeba.
Waxaynu xaq u leenahay in aynu kaga dayano adduun waynaha, carab iyo cajabba wixii wanagsan diinteenna aan ka hor imanayn. Sidaasoo kalena waxaynu xaq u leenahay in aynu ka hor nimaadno wixii caqiidadeenna khilaafaya.
Sheekhaw ama maslaxaaddaada ha ahaato, ama mid aad umadda ugu daneenayso ha ahaato, Waxaad ka qaylisaan waanu idinla eegi. Hadday arrin Alle (swt) inagu amray ka fogaanshiyaheeda ay noqoto, garabkiinna ayaanu nahay. Wixii qarsoon Allaa xisaabiya, wixii muuqdana waxaanu la kaashan caqliga iyo kitaabka.

Arrintu waa salleelo haddee, Maalinta la inoo yaabaa waa maalinta wadaadka soomaaliyeed, ku dhici waayo in uu khudbad jimce kaga hadlo arrin liddi ku ah xukuumad. Maalinta la inoo yaabaa waa maalinta wadaadkeennu wax xaaraan ah, isla markaana xukuumadi rabto u fadwoodo una banneeyo, Sida ka dhacday dalal carabta ka mid ah. Maalinta la inoo yaaba waa maalinta xukuumadi wadaaddo ku wax yeelayso arrin ay kaga soo hor jeesteen oo diiniyan khatar ah, Sida hore uga dhacday soomaaliya. Arrimahaasoo Cidhib xumadeedii aynu u wada joognay, walina arkayno.
Alle ayaanu ka magan galnay qaadashada go’aan noo hor seeda halaag adduun iyo mid aakhiraba…

Ibraahin Waabari

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories