HomeBangiyada ku Shaqeeya Hab Maaliyadeedka Islaam-ka

Bangiyada ku Shaqeeya Hab Maaliyadeedka Islaam-ka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Bangiyada ku salaysan Hab Maaliyadeedka Islaamiga ahi kuma shaqeeyaan RIBBO (Interest) – Dhibaatooyinkii dhaqaale ee ka dhacay dunnidu saamayn kuma aysan yeelan ama waxay ahayd saamayn aad u yar. Kaddib markii ay arrintaasi u dhug yeesheen – waddamo badan oo ka mid ah Yurub waxay xiisaynayaan in ay hirgaliyaan Hab Maaliyadeed ka Islaamiga ah (Islamic Finance). Xarunta Vatican ku waxay ka dalbatay bangiyada ribbada ku shaqeeya in ay tixgaliyaan oo ay eegaan Shuruucda ay ku shaqeeyaan Bangiyada hab maaliyadeedka Islaamiga ah ku shaqeeyaa si ay u soo celiyaan kalsoonidii macmiishooda ee xumaatay wakhtigii dhaqaale burbur ee dunnida ku habsatay (Totaro,2009).

Ra’iisal Wasaaraha UK David Cameron oo ka hadlayay shirkii 5aad ee Gollaha Dhaqaalaha Islaamka wuxuu sheegay “Horeba London waxay u noqotay xarunta ugu weyn ee Hab Maaliyadeedka Islaamiga ah ee ka baxsan dunnida Islaamka, laakiin maanta hamigayagu wuxuu yahay in aanu intaa in ka badan samayno” wuxuu ku daray “Waxaan doonayaa London in ay garab istaagto Dubai & Kuala Lumpur oo ah caasimadaha hogaaminaya Hab Maaliyadeedka Islaamiga ah”.

Jaamacaddo badan oo Yurub ah ayaa hadda waxbarashooda ku daray barnaamijyo lagu baranayo habkaasi, sida, Rotterdam Business School, Holland iyo Henely Business School, Uk.

Gabadha dhaqaalaha baratay ee Loretta Napoleoni mar ay muxaadaro ka jeedinaysay Jaamacadda new Mexico waxay ku dooday “Hab Maaliyadeedka Islaamiga ah ayaa innaga saari kara xaaladahan dhaqaale ee sii xumaanaya” (Parvez, 2010). Waa dooda khubaro badan oo dhaqaalaha ku takhasusay oo aan Islaam ahayni ay qabaan.

Islaamku wuxu xarimay Ribbada – waxaana qofka Muslimka ah looga baahan yahay in uu lahaado inta ugu yar ee ka badan baahidiisa (Nisab) si uu u bixiyo Zako. Illaahay (swt) iyo Rasuulkiisuba (scw) meel adag ayay innaga dhigeen Ribbo iyo quudashadeed. Waa hubaal in aynaan u baahnayn ribbo iyo quudasho waxaan xalaal ahayn iyo nidaamiye ogolaanaya ribbo.

Bangiyadeenna habka Islaamiga ah ku shaqeeya Laba waxba in ay wax ka qabtaan waa lama huraan. Habka ay bulshada u siiyaan daynta oo ay ku xidhaan qof ama damiin laga yaabo dayn rabuhu in aanu gaadhi karayn iyo qiimaha ay dayntaasi ku bixinayaan oo ah mid runtii aad qaali u ah. Bangiyadeena Islaamiga ahi waa in ay meesha ka saaraan afkaarta bulsho badani aaminsan tahay oo odhanaysa bangiyadeenu waxay wax daymiyaan qof wax haysta kaliya iyo qof xidhiidh si uun ula leh bangiga ama cid ka shaqaysa ha ku xidhnaado ama madaxda sarre ee bangigaba ha ku xidhnaadee. Waxa looga baahan yahay in ay fududeeyaan hab macaamilkooda bulshada.

Xukuumadda iyo hogaanka Ummadda waxaa looga baahan yahay in ay hirgaliyaan nidaam iyo hab lagu ururinayo Zakadda oo runtii haddii hab iyo nidaam qiimo badan looga hawl galo faqriga ka saaraya bulshadeena idilkeed.

Waxaa quman Iyana in xeerkii baananka Islaamka ee la ansixiyay si dhamays tiran loo hir galiyo iyadoo wixii shurruudo iyo nidaamyo uu dhigay sida ka war haynta sida loo bixiyo daymaha bangiyadeena iyo guddiyadii uu xusayba la sameeyo – si looga baxo nidaamkan aynu hadba wixii jooga ka jawaab iyo dareen celinayno.

Sabab aynu u raadsano nidaam ka hor imanaya diinteenna suuban iyo Sunnaha Rasuulka (scw) ma jirto – Nidaamkeena qiimaha badan ee u maamulida Maaliyada hab Islaami ah ee Kufaartii iyo kuwii Illaahay iyo Rasuulka aan rumayni caashaqeen si ay ugu dhaqmaan kaddib markii ay badbaadadiisa ay yaqiinsadeen.

Ugu dambayn Hogaamiyayaasheena (Xukuumadda, Baarlamanka & Culimadeena qiimaha badan) bulsho ahaan waxaynu xaq ugu leenahay in ay ka taxadiraan isku dul qabsiga dusheena. Waxaa suuban oo quman in si sharaf iyo karaamo leh ay arrimaha hogaaminteena (bulsho ahaan) la xidhiidha u gudoonsadaan si wada tashi leh oo guul innoo horseeda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories