HomeBandhiggii Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo La Soo Gabogabeeyay &...

Bandhiggii Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo La Soo Gabogabeeyay & Nuxurka Khudbad Uu Wasiirka Khaarajigu Ka Jeediyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost) – Bandhigga Carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, ayaa xalay lagu soo gabogabeeyay Huteelka Guuleed oo ay ka socotay muddo Lix maalmood ah.

Bandhigga carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sanad walba ay soo qaban-qaabiso xarunta dhaqanka ee Redsea Cultural oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa munaasibaddii lagu soo gabogabeeyay ka qayb-galay boqollaal qof oo iskugu jira suugaanyahanno, qorayaal (Soomaali/Ajaanib ah), Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale oo ka socotay hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka iyo qoraalka, kuwaasi oo ay ka mid tahay xarunta dhaqanka ee Kayd oo qayb ka ah xarumaha gacanta weyn ka geysta bandhiggan caalamiga ah.

xafaldda (1)Bilowgii xafladda gunaanadka ahayd ayaa waxa lagu soo bandhigay majaajilo ka turjumaysay maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo suugaan kala gedisan oo lagu hoga tusaalaynayay Bulshada Soomaalida, gaar ahaan dhallinayarada.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah madaxa xarunta Redsea ee soo qaban-qaabisay bandhiggan oo ahaa kii 8-aad ee lagu qabto Magaalada Hargeysa, ayaa majaajilada halkaasi lagu soo bandhigay ka dib, hadal u jeediyay dadweynihii ka qayb-galay xidhitaankii Carwada Buugaagta Hargeysa, waxa uu u mahad-naqey dhammaan dadkii gacanta ka geystay bandhiggan caalamiga ah, kuwaasi oo ay ku jireen hay’ado caalamiya, kuwo Maxaliya, xarumaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka, akhriska iyo qoraalka iyo weliba qorayaasha iyo suugaanyahannada Soomaalida iyo ajaanibka ahaa ee sanadkan lagu marti-qaadey bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa.

Jaamac Muuse Jaamac , waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee uu sanadkan u qabsoomay bandhiggu, sidaasi daraadeedna ay sii wadayaan dedaalka isaga iyo dadka la jaalka ahi ugu jiraan fidinta Akhrista iyo qoraalka.

xafaldda (3)Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo hadallo kooban xafladdaasi ka yidhi ayaa ugu horayn waxa uu u mahadceliyay xubnaha ka socday dalalka shisheeye ee goob jooga ka ahaa xafladdaasi “Waxaan u mahad-celinayaa dadka faraha badan ee inooga yimid beesha caalamka ee martida inoo ah ee magaceenii kor u qaaday ee qaddiyadeena iyo arinteena gaynaya dibadda ee safiirrada inoo ah..” ayuu yidhi, wasiir Biixi oo intaasi sii raaciyey “Waxaan ILAAHAY inooga baryayaa in ictiraafkeenii inoogu yimaaddo, waayo kama seexano habeen iyo maalin toona waanu u heeganahay, meel kastana waanu ugu duulaynaa waxaanan ku dedalaynaa in aan aqoonsigeenii sida ugu dhakhsaha badan uga shaqayno, waayo waanu leenahay wixii looga baahnaa dal, hadday noqoto xuduud mucayin ah iyo maamulkeeda, heshiisyo ayaynu la galnaa caalamka, waana in aynu meel uga soo wada jeesano horumarkeena, nabadeenana aan ilaashano.”

Maxamed Biixi Yoonis ayaa faahfaahiyey habka ay bulshada Somaliland iyo xukuumaddoodu wax u wada qabsan karaan, waxaanu yidhi isagoo ku soo hal-qabsanaya safarkii uu Madaxweynuhu dhawaan ku soo maray gobollada bariga Somaliland “Anigu safarkii madaxwaynaha ayaan raacay aadbaanan ugu farxay jidadka la sameeyay waxaanu tagnay Ceerigaabo, Laascaanood, Ceel afwayn iyo deegaano kale, waxaanan ku faraxsanahay sida horumarka aynu samaynay iyadoo aanay cidina waxba inala qaban ee aynu dalkeenan ka shaqaynay….”

Wasiirka ayaa gabagabadii dardaaran u jeediyay dhalintii madasha fadhiday “Dhalinyaro haddaad tihiin idinkaa mustaqbalkii waddanka ah, idinkaa xukunkan qaban doona, idinkaa madaxda dalka noqon doona, waxaanan jecelahay inaydaan waddada horumarka ka baydhin ee aad dalkiina iyo dadkiinaba wax tartaan…..”

xafaldda (4)Wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu si gaar ah uga hadlay muhiimadda uu bandhigga buugaagta Hargeysa u leeyahay qadiyadda Somaliland “Waxaan u mahad-naqayaa Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan (qaban-qaabiyayaasha bandhigga) iyo dadka la shaqeeya, waayo karaamo weyn ayay inagu leeyihiin oo magac ayay inoo soo jiideen, dadka halkaa fadhiya ee iskugu jira wariyayaal, qorayaal ee warkeena meel walba gaadhsiinaya (waxa ka shaqeeyay Jaamac Iyo Ayaan) ee ILAAHAY haka abaal-mariyo..” ayuu yidhi, Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu intaasi sii raaciyey “Bandhiggan buugaagtu wuxuu muujiyey jacaylka ay dhallinyaradu u qabto inay wax bartaan oo ay qoraalka ka qayb-galaan oo ay noqdaan dad muuqda..”

Carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa waxa sanad kasta lagu qabtaa Magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigaa boqollaal buug, kuwaasi oo dadka ku xidhan carwadu u soo doontaan sanad kasta, maadaama oo sanad kasta buugta halkaasi lagu soo bandhigaa yihiin kuwo cusub oo qaarkood ifka u soo baxaan marka carwada la qabanayo. Laakiin sanadkan waxa carwada kor u qaadey oo ahmiyaddeeda muujiyey inay ka qayb-galeen dad ka kala socday 14 dal.

xafaldda (5) xafaldda (2)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories