HomeBandhigga Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Galay Maalintii 3-aad

Bandhigga Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Galay Maalintii 3-aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa Maalintii saddexaad ka socda bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Biugaagta Hargeysa, taasi oo si rasmi ah loo Daah-furay Sabtidii dorraad.

Bandhiggan Carwada Buugaagta Hargeysa oo sannadkani noqonayo kii 15-aad ee si xidhiidh ah loo qabto, ayaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘WADA-JIR’, taasi oo lagu Tusaalaynayo ahmiyadda Wada-jirku u leeyahay Dadyawga Caalamka ee reer Somaliland ka mid yihiin, waxaana lagu Marti-qaaday Wufuud ka kala socota illaa 30 Dal oo Caalamka ah, diblumaasiyiin, Qoreyaal Caalamiya, Farshaxamiistayaal, dadka shaqeeya horumarinta dhaqamada dalalka Caalamka.

Si Taxane ah, waxa xarunta Bandhiggu ka socdo oo ay ku sugan yihiin boqollaal qof oo meelo kala duwan iskaga kala yimid loogu qabtaa doodo lagaga hadlo arrimo khuseeya waxyaabaha nolosha dadka saameeya, sida Horumarinta Tacliinta, dhaqaalaha, dhaqanka IWM, waxaana doodahaas ka qayb-qaata aqoonyahano ku takhasusay hadba Mawduuca laga hadlayo, waxaana dadweynaha goobta ku sugan fursad loo siiyaa inay daadihiyeyaasha doodahaas su’aalo waydiiyaan, si waxa looga hadlayo loogu sii balbalaadhiyo, loogana qaato Fahan guud oo hadhow bulshada waxtara.

Isniinta Maanta oo ah Maalintii saddexaad ee bandhiggu socdo waxa la qabtay doodo khuseeya Mawduucyada ay mid yihiin khasaarihii uu geystay dabkii ka kacay suuqa Waaheen, halka ay marayso hawshii dib loo dhisayey isla-markaana lagu taageerayey dadkii ku hanti beelay Suuqa gubtay’. Waxaana aqoonyahannadu halkaa ku soo bandhigeen xogo faro badan oo arrintaa la xidhiidha.

Aqoonyahannada ka dooday dhibaatadii ka dhalatay Dabkii suuqa Waaheen baa’biiyey, waxay isku dul-taageen sida ay muhiimka u tahay in lagu dedaalo sidii uu Suuqaasi u soo kaban lahaa, dhisme ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Waxa kale oo ay faalleeyeen waxyaabaha laga baran karo Dabkii suuqa Waaheen iyo waajibaadyada hor-yaalla Ganacsatada iyo Dawladdaba.

Maalinta saddexaad, waxa kale oo bandhigga Buugaagta Hargeysa lagaga dooday Mashruuca ‘Berbera Coridor’ oo xilligan qaybo ka mid ahi hirgaleen, halka loo socdo iyo faa’iidada ugu jirta Shacabka Somaliland iyo dalalka deriska ah ee Itoobiya ka mid tahay.

Doodahan muhiimka ah, waxa barbar socda falan-qayn lagu samaynayo qaar ka mid ah Buugaag lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta Hargeysa, waxaana si furan qoreyaasha buugaagtaasi ay dadweynaha madasha fadhiya iyo kuwa Internet-ka kala socda ugu sharraxayaan farriimaha ay buugaagtoodu sidaan.

Sidoo kale, dadweynaha oo muddada uu bandhiggani socdo soo booqda xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa iibsanaya Buugaagta cusub, si ay uga faa’idaystaan.

Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa sii socon doonta illaa 28-ka bishan July 2022, haddii Allaah ogolaado.

blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories