HomeBandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo Sagaal-jirsaday iyo Jewigii Furitaanka ee...

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo Sagaal-jirsaday iyo Jewigii Furitaanka ee maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bandhiga Caalamiga ah Buugta Hargeysa maanta si  rasmi ah uga furantay Hutel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, iyada oo ay ka soo qayb galeen wufuud badan oo  ka  kala  socotay Dunidu, kuwaasi oo qaarkood madasha ka jeediyey hadal furitaan, qaarkoodna khudbada ka jeedin doonaan maalmaha soo socda.

Bandhiga Caalamiga ah Buugta Hargeysa ayaa galay markii 9-aad, iyada oo sanad walba hal mar la qabto, isla markaana la qaato hal ku dhig lagu falanqeeyo sanadkaasi, waxaana hal ku dhiga sanadkan  la  qaatay uu yahay Hogaaminta iyo Hal-abuuurka.

Bandhiga (2)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Sacad  Cali Shire oo khudbad ka  jeediyey ayaa soo  dhaweeyey wufuuda ka kala socota caalamka, isaga oo sidoo kale ka hadlay muhiimada  uu leeyahay bandhigan caalamiga  ah.

Dr. Sacad ayaa soo dhaweeyey martida iyo ka soo qaybgalayaasha Bandhigan waxaanu yidhi “Waanu idinku soo dhaweynaynaa Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ee aad uga soo safarteen kunmanaan ka kun ee Mayl”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku darya “Waxa sannadkan lagaga hadli doonaa Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa mawduuc aad iyo aad u muhiim ah kaas oo ah “Hoggaaminta iyo Hal-abuurka”

Safiir Ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, qaabilsanna arrimaha Somaliland Cat Evans ayaa iyaduna hadal ka jeedisay Bandhiga Caalamiga ah Buugta Hargeysa waxaanay ka hadashay muhiimada bandhigani leedahay, iyada  oo u mahadnaqday soo  abaabulayaasha.

Bandhiga (3)Safiirka ayaa waxa ay ka hadashay xidhiidhka  Ingiriiska ee Somaliland iyo sidoo kale muhiimada  hal ku diga sanadkan lagaga hadlayo bandhiga  buugta Caalamiga ah ee Hargeysa, kaasi oo ah Hogaaminta  iyo Hal-abuurka.

Safiirka ayaa waxa ay sheegtay inay ku hanwayn tahay inuu bandhiga  buugta caalamiga  ah ee Hargeysa horumar bulsho  keeno, iyada  oo arrimahaasi ka  hadlaysa waxa  ay tidhi  “Hogaaminta  iyo hal-abuurku waa halka bulsho laga horumariyo, taasina waa sababta  aanu ugu  han waynahay bandhiga buugta  caalamiga ah ee  Hargeysa”.

Safiirka ayaa ugu dambayn u mahadnaqday abaabulayaasha bandhigan, waxaanay tidhi “Waxaan  u mahadnaqayaa Jaamac iyo kooxdiisa ee soo abaabushay bandhigan caalamiga ah”.

Macallin Siciid Saalax  oo ka mid  ahaa aqoon-yahankii ka soo qayb galay bandhiga Caalamiga ah ee Buugta  Hargeysa ayaa  khudbad  uu ka jeediyey madasha  waxa uu ku sharaxay hogaaminta iyo hal-abuurka, isaga oo  taxay hogaaminta sida looga barto  cayayaanka  iyo xayawaanka, sidoo kale waxa  uu ka sheeekeeyey dhaqankeena  soo jireenka  ah  iyo halka ay hogaamintu kaga jirtay.

Bandhiga (4)Macalin Siciid Saalax oo ka hadlayey madasha Bandhiga  Caalamiga  ah  ee Buugta Hargeysa waxa uu yidhi “Waxaan isku soo taagay inaan ka hadlo hogaaminta tolmoon iyo hal-abuurka, hogaaminta bulsho, suugaan iyo hal-abuuurku wuu dheehan yahay, hogaamin markaan ka hadlayo maaha kaliya Soomaalida iyo bani aadamka”.

Sidoo kale xaflada furitaanka ayaa  waxa hadal ka jeediyey Dr. Xuseen M. Aadan, isaga oo ka hadlay doorka aqoontu  ku leedahay hogaaminta iyo hal-abuurka oo ah hal ku dhiga sanadkan ee lagu falanqayn doono carwada bandhiga  caalamiga  ah ee buugta  Hargeysa.

Bandhiga Caalamiga ah Buugta Hargeysa ayaa gashay sanad guuradii 9-aad, iyada oo la qabto sanad walba xilligan oo kale, iyada oo sidoo  kale carwadan sanadlaha  ah dhiirigaliso akhriska iyo qoraalka, waxaana waxyaabaha ku cusub sanadkan carwada ka mid ah in lagu soo  bandhigay buug badan oo ay qoreen dad Soomaali  ah, kuwaasi  oo markii u horaysay ee la bilaabay Carwada aan la qorin ama dhiirigalinteeda aanay heli jirin qorayaashu.

Bandhigan oo socon doonta muddo lix maalmood ah ayaa waxa ay ku eeg tahay 28-ka bisha, mudadaa ay socotana waxa  lagu soo bandhigi doonaa hal ku dhigyo, doodo iyo falanqayn ka hadlaysa Hogaaminta iyo Hal-abbuurka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories