HomeBandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo Falanqaynta Dadka Baahiyaha Gaarka leh

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo Falanqaynta Dadka Baahiyaha Gaarka leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Iyadoo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ay si habsami ah uga socoto Carwada 15aad ee Buugaagta Hargeysa, waxa shalay lagu marti-qaaday, soo-dhaweyn heersare ahna loogu sameeyey xubno ka tirsan Aqoonahanka iyo dadka hal-abuurka leh ee Aragga iyo Maqalka naafada ka ah.

Xubnahan oo ka tirsan ururka Naafada ee Somaliland ayaa kala ahaa Yoonis Cabdiraxmaan oo ah suxufi aragga naafo ka ah, Hodan oo ah gabadh aqoonyahan ah oo Maqalka naafo ka ah, Xaawa Jaamac Cabdi oo ah gabadh Aragga naafo ka ah oo Hal-abuurka suugaanta Eebbe hibo u siiyey iyo Lammaane lagu kala magacaabo Cabdifataax iyo Hoodo oo labadooduba aragga Naafo ka ah.

Xubnahan ayaa madasha xarunta Dhaqanka ku soo bandhigay taariikhdooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin noloshooda, waxaanay eray soo-jeedintooda iyo kalsoonida ay ku soo bandhigeen doorka ay bulshada kaga jiraan sababtay inay saamayn ku yeelato quluubta bulshadii ku sugnayd madasha.

Waxa ay xubnahani dareen qiiro leh ku soo bandhigeen mahad-naq iyo bogaadin ay ugu jeediyeen xarunta Dhaqanka ee Hargeysa fursadda ay siiyeen, waxaanay maamulka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku ammaaneen horumarka 15-jirsaday ee ay ku tallaabsadeen iyo kaalinta ay Qaranimada ugu jirto.

Gebo-gabadii waxa ay xubnahani madasha ku soo bandhigeen, bulshadana kula wadaageen hibooyin isugu jira hal-abuurnimo iyo xirfado kala duwan oo ay leeyihiin, iyagoo jawaabo ka bixiyey weydiimo ay dadweynuhu ka su’aaleen hab-nololeedkooda iyo xirfadaha ay hibada u leeyihiin.

Barnaamijka shalay ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Qayb ka ahaa Bandhigga 15aaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa, waxa qayb ka ahaa barnaamijyo khuseeya dhinacyada suugaanta iyo Dhaqanka, iyadoo madasha lagu soo bandhigay hees dhaqameedyo, gabayo iyo waraysiyo lala yeeshay Abwaanno iyo xubno ka tirsan ururrada Bulshada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories