HomeBandhigga Buugaagta Hargeysa: Madal Sannad Walba Somaliland ka Gudbisa Farriin togan oo...

Bandhigga Buugaagta Hargeysa: Madal Sannad Walba Somaliland ka Gudbisa Farriin togan oo Dublamaasiyadeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa Sabtida Maanta oo ku beegan 23/07/2022 laga Daah-furay Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta, taasi oo sannad walba xilligan oo kale la qabto.

Bandhiggan Carwada Buugaagta Hargeysa oo sannadkani noqonayo kii 15-aad ee si xidhiidh ah loo qabto, ayaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘WADA-JIR’, taasi oo lagu Tusaalaynayo ahmiyadda Wada-jirku u leeyahay Dawga Caalamka ee reer Somaliland ka mid yihiin, waxaana lagu Marti-qaaday Wufuud ka kala socota illaa 30 Dal oo Caalamka ah, diblumaasiyiin, Qoreyaal Caalamiya, Farshaxamiistayaal, dadka shaqeeya hormarinta dhaqamada dalalka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigayaa Buugaag Afaf kala duwan lagu qoray, si loo dhiirigeliyo akhriska iyo qoraalka.

Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa (Hargeisa Internatinal Bool Fair) oo door muuqda ka qaata fidinta Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, si dalalka dunidu looga dhaadhiciyo Qorshaha Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana sannadba hal Dal si gaar ah loogu sharfo si uu ugu soo bandhigo wuxuu dalalka kale ee dunida kaga duwan yahay dhaqan ahaan, ayaa sannadkan waxa marti-qaadkaa gaarka ah lagu maamuusay waddanka Senegal oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee aanay Somaliland lahayn xidhiidhka tooska ah, waxaana wufuud ka socotaa ay Maalinta labaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa ay ku soo bandhigi doonaan Agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda Dalkooda Senegal leeyahay, waxaana halkaa ka bilaabmaya xidhiidh dhinaca iskaashiga ah oo dhex maraya Somaliland iyo Senegal, taasi oo sida muuqata ay suurto-gelisay xarunta dhaqanka Hargeysa ee markii 15-aad qabatay Bandhiggan Caalamiga ah.

Ahmiyadda uu Bandhiggani u leeyahay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo sida diblumaasiyad ahaan faa’iidada ugu leedahay siyaasadda Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa furitaankii bandhigga ka hadlay Aasaasaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee sannad walba qabata Carwada Buugaagta ee Caalamiga Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu yidhi “Ku soo dhawaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa. Waa 15-sannadood oo la dareemay faa’iidada uu u keenay qarankan iyo ummaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayey mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. Waa 15 sannadood oo Maanta hana-qaad ah, suurto-galisayna madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay…”

Bandhigga Caalamiga ah ee ‘Buugaagta Hargeysa’, oo sannadkan iyo sanadihii ka horreeyayba lagu Marti-qaaday wufuud ka kala socoto illaa 30 Dawladood iyo dad dunida caan ka ah isla-markaana dhawaaqooda la tixgeliyo, ayaa door muhiim ah ka qaata iib-geynta Qadiyadda Somaliland, maaddaama oo Dadka ka kala socda dalalkaa tirada badan ay sanad walba dunida inteeda kale u gudbiyaan farriin wanaagsan oo khusaysa Nabadda, dimuqraadiyadda iyo Hanaanka Dawladeed ee Somaliland ku naaloonaysay 31-kii sanadood ee u dambeeyay.

blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories