HomeBandhigga Adeegyada Dahabshiil Group ee Carwada Ganacsiga Somaliland iyo Maareeyaha Guud oo...

Bandhigga Adeegyada Dahabshiil Group ee Carwada Ganacsiga Somaliland iyo Maareeyaha Guud oo Tilmaamay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Bangiga Shirkadda SOMTEL, Xawaaladda iyo Sarrifka Dahabshiil oo adeegyo muhiim ah kaga qaybgalaya carwadda

[H]argeysa (SLpostl)-Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkadaha ka qaybgalaya carwada 2-aad ee ganacsiga Somaliland oo maanta ka furantay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa halkaasi ku soo bandhigay adeegyo muhiim ah oo dadweynaha loogu talogalay.

blankDahabshiil Group oo carwada kaga qaybgalaya afar qaybood oo kala ah shirkadda telefoonnada ee SOMTEL, Bangiga Dahabshiil, Xawaaladda iyo qaybta sarrifka lacagaha, ayaa muddada carwadu socoto waxay mid waliba bixinayaa adeegyada ay ka shaqeeyaan oo qiimo jaban shacabka lagaga iibininayo iyo kuwa si bilaash ah loogu fulinayo.

blankShirkadda SOMTEL waxay carwada keentay adeegyada ay shaqayso ee qaybaha Internetka xawaare dheereeya ah iyo telefoonada oo isugu jira moobilo, kaadhadhka (Sim Cards), kuwa lacagta laga shubto, telefoonada laymamka iyo adeegyadiisa, kuwaas oo ay ku samaysay qiimo-dhimistii ugu ballaadhnayd. Qaybta xawaaladda Dahabshiil ayaa iyadu carwada ka qaybgashay adeeg ay hay’adaha iyo ganacsatada ugu samaynayso inay mushaharka shaqaalahooda ku siiyaan, iyagoo lacagta loogu shubayo akoonyadooda, waxay kale oo si bilaash ah ugu samaynaysaa akoonyada lacagta la dhigto dadka aan hore u lahayn ee ay u suurtogeliwayday. Waaxda sarrifka lacagta ee Dahabshiil ayaa iyaduna waxay carwada kaga qaybgalaysaa sarrifka guud ahaan lacagaha kala duwan ee adduunka laga isticmaalo si qof kasta loogu fududeeyo inuu wax ku iibsan karo lacagta uu sito.

blankSidoo kale, Bangiga Dahabshiil ayaa carwada kaga qaybgalaya dhiirigelinta maalgashi dibadeed iyo mid gudaha ah oo dalka lagu sameeyo iyo weliba inuu ganacsada reer Somaliland u fududeeyo inay dunida la macaamilaan, isla markaana uu ka caawiyo isku xidhka ay la yeelanayaan adduunyada.

Dhinaca kale, Maareeyaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo khudbad ka jeediyey xafladdii lagu furay carwada ayaa ka warramay faa’iidada carwooyinku u leeyihiin horumarinta ganacsiga iyo kala faa’iidaysiga ganacsatada. Waxa kale oo uu u mahadnaqay cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgelinta carwada iyo ganacsatada kala duwan ee ka qaybgalay.

blank“Carwadan oo ah tii 2-aad waxaan u arkaa inay muujinayso xilka iyo hawsha ay ganacsatadu ummadda u hayaan oo ay ku muujinayaan waxyaabaha ay dalka ku soo kordhiyeen, waananu soo dhawaynaynaa ganacsatadaas wadaniga ah iyo kuwa ajanabiga ah ee dalka dibadiisa ka timidba, maxaa yeelay shaqo abuuristu waxay ka mid tahay waxyaabaha mustaqbalka waddanka aadka u dhisaya oo wax alaala wixii shaqo abuurista keenaya waxaan u arkaa inay mihiim inoo tahay,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.

“Shirkad ahaan Carwadii tan ka horaysay aad ayaanu uga qaybqaadanay qabsoomideeda, Carwadan 2-aad lafteeda waanu ka qaybqaadanay ama aannu dhaqaale ahaan ku soo bandhigno ama shaqooyinka aannu hayno aannu ku soo bandhignee, haddii ay tahay xaga Dahabshiil Banka ama ha noqoto Somtel ama ha noqoto ganacstada kale ee waddanka ee aannu la shaqaynoba, run ahaantiina waa noo sharaf inaanu shirkad ahaan ka qaybqaadano labada Carwaba.”

blankMaareeyaha Dahabshiil Group waxa uu dhiirigeliyey ganacsada yaryar iyo dadka doonaya inay baayac-mushatari abuuraan, isagoo tusaale u soo qaatay ganacsade dalka gudihiisa waqti kooban kaga midho-dhaliyey hamigiisii waxaannu yidhi, “Waxaan ku dhiirigelinayaa qofkii ganacsade ah ama kuwa doonaya inay noqdaan ee maanta halkan u yimi inay daawadaan ganacsatada kale ee ka qaybqaadanaysa Carwadan in aanay ka baqin wixii ay doonayaan inay fuliyaan oo aanay ka niyad jabin, waana inay rumaysnaadaan wax kasta oo aad ku dadaashid ama aad si daacadnimo ah uga shaqayso ama aad dadaal gelisidba in la qaban karo. Maalin dhawayd waxa xafiiska iigu yimi nin ka mid ah ganacsatada Carwadan ganacsigooda ku soo bandhigaya oo ii sheegay inuu $100 ku bilaabay baayac-mushtarigiisa muddo laga joogo 10 sanno ka hor, maantana waa ka mid shirkadaha waawayn ee xafladan jooga, run ahaantii aad ayey ii dhiirigalisay ninkaa odayga ah oo aan dalka dibadiisa tagin inuu dalka gudihiisa baayac-mushtariga intaas le’eg ka sameeyo. Markaa arrintaasi waxay muujinaysaa qofku haddii uu dadaalo oo uu rumaysnaado inuu horumarka intaas le’eg gaadhi karo waa mid uu ku guulaysanayo riyadiisa.”

blankWaxa kale oo uu ballanqaaday in Dahabshiil wax la qabanayso cid kasta oo doonaysa inay ganacsigooda kaga shaqeeyaan hawlaha shirkaddiisu qabtaan, “Shirkadda Dahabshiil aad iyo aad ayey u soo dhawaynysaa cidii doonaysa shaqooyinka aanu qabano ay isticmaalaan iyaga oo ganacsigooda ku sii ballaadhinaya ha noqoto dalka gudihiisa ama dibadiisaba, wax allaale wixii taageero ah ee aannu la qaban karno ganacsatada diyaar ayaanu u nahay, haddii ay tahay adeegyada aanu qabano iyo haddii ay tahay lacagaha aannu dibada ugu dirayno ama haddii ay tahay adeegyada isgaadhsiinta ee la xidhiidha tilifoonada casriga ahba oo dhammaantood qofka u fududaynaya inuu ganacsado,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Maareeyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.

blankblankblank

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories