HomeBandhigga 16aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa Oo Maanta Furmay iyo Arrimaha Ku...

Bandhigga 16aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa Oo Maanta Furmay iyo Arrimaha Ku Cusub Sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Magaalada Hargeysa, waxa Maanta si rasmi ah uga furmay Carwada Caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa, taasi oo sannadkii 16-aad oo xidhiidh ah ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad kasta lagu marti-qaado waddamada caalamka midkood iyo hal-ku-dhig ku lammaan, waxa sannadkan marti ku ah Waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla ee Morocco oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo socon doona inta u dhaxaysa 22 July ilaa 26 July 2023 isla markaana hal-ku-dhegga sannadka la qaatay yahay Adkeysiga, waxa munaasibadda daah-furkiisa oo ku qabsoomay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Maayirka Hargeysa, Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, Wufuud ka socotay Midowga Yurub, Dalalka Afrika, dublomaasiyiinta saaxiibadda Somaliland, qoreyaal, Suugaanyahano iyo Boqolaal qof oo kale.

blankUgu horrayn, waxa furitaanka Bandhigga 16aad ka hadlay Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, waxaanu ka warramay maraaxilkii uu soo Bandhiggani soo maray iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta Aqoonta iyo Akhrista dhalinyarada iyo guud ahaan Qaranimada Somaliland.

“Lix iyo toban Sanno oo aynu dhisnay Hoyga Aqoonta iyo akhriska, Maantana uu taabbo-qaaday midho-dhalkeedii waad arkaysaan. Waa 16 sanno oo isku xidhay Somaliland iyo dunida inteeda kale, taasoo saamaxday inay dhalinyarada Somaliland hesho daaqad togan oo ay ka aragto sida ay adduunyadu u fekerto, wax u qorto, wax u sawirto, isu canaanato, wax isugu sheegto iyo siday adduunyadu wax u wada leedahay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu intaa ku daray, “Daaqaddaasi waxay saamaxday inay adduunyadu ka aragto Somaliland waxa ay tahay iyo Somaliland-nimada dabeecadda ku salaysan,” ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac oo intaas ku daray inay Xaruntu si weyn uga qayb-qaadato inay caalamka ka iibiso qadiyadda Somaliland.

blankDrs. Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland oo halkaa ka hadashay, ayaa bogaadisay dedaalka Xarunta dhaqanka iyo Hawl-wadeennadeeda uu Hoggaamiyo Jaamac Muuse Jaamac, waxayna u soo jeedisay inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

“Meelna gaadhi mayno haddii aan nabad la keenin, haddii aan gacmaha lays-qabsan oo wax la-wada qabsan. Adaygaas Illaahay inoo dhaliyey, waxa u muhiimsan in aqoonta iyo waxbarashada dhalinyaradu noqoto mid wax ku soo kordhinaya dalka ay u dhasheen ee Somaliland,” Sidaas ayay tidhi Drs Edna Aadan Ismaaciil.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Marti-sharafta dalalka shisheeye ka yimid ee ka qayb-galay Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay marti-gelinta Bandhiggan ee Hargeysa ay ay kulmiyo wufuud Caalami ah iyo kuwa Maxaliga ah si ay isku waydaarsadaan Aqoon iyo waayo-aragnimo.

blank“Waxaan aad u soo dhawaynayaa hal-ku-dhegga sannadkan ee ah Adkaysiga oo ka tarjumaya Shacabka Somaliland oo u adkaystay xasuuqii uu u geystay kaligii taliyihii halkan xukumi jiray (Siyaad Barre),” Sidaas ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.

Furitaanka Carwadan oo sidoo kale ay khudbado muhiim ah ka jeediyeen aqoonyahanno ka kala socday Yurub iyo Afrika oo uu ka mid yahay Patrice Lamumba oo ka mid ah Aqoonyahannada ugu caansan saamayntana ku leh Qaaradda Afrika, waxa kale oo hadallo ka jeediyey isla markaana si rasmi ah u furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

blankMadaxweyne Saylici waxa uu bogaadiyey Xarunta dhaqanka, waxaanu sheegay in xarunta dhaqanku heerka ay marayso ku gaadhay Samir iyo dedaal. “Xarunta dhaqanku waxay halkaa ku soo gaadhay Samir iyo adkaysi,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku waxaanu intaa ku daray, “Jaamac iyo Kooxdiisu dedaalkooda way joogteeyeen. Xarunta dhaqanku waxay kaalin weyn ka qaadataa inay Magaca Somaliland Adduunka gaadhsiiso.”

blankMunaasibadda lagu daah-furay Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa, waxa lagu soo bandhigay Heeso, suugaan, farshanno iyo Ciyaar-dhaqameedyo isugu jira kuwa Soomaalida iyo Dalka sannadkan martida ku ah Bandhigga ee Marooko, iyadoo qaybaha gelinkii dambe ilaa caawa ay u badan yihiin bandhigyo Suugaaneed, Farshaxan, doodo, su’aalo iyo jawaabo hadba cidda minbarka fadhida la weydiinayey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories