HomeBandhigga 14aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo Caawa la soo gebo-gabeeyey iyo...

Bandhigga 14aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo Caawa la soo gebo-gabeeyey iyo Qodobbo uu kaga duwanaa Kuwii hore

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Dhaganka ee Hargeysa, waxa Jimcaha caawa lagu soo gebo-gabeeyey Bandhigga 14aad ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo lixdii maalmood ee u dambeeyey ka socday isla xarunta.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad walba ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa munaasibaddii lagu soo gabogabeeyay ka qayb-galay boqollaal qof oo iskugu jira suugaanyahanno, Qoreyaal, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo ka socotay hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka iyo qoraalka.

blankCarwada Buugaagta Hargeysa ee sannadkan galay gugii 14aad oo xidhiidh ah isla markaana sannadka kasta diirradda lagu saaro mawduuc gaar ah iyo waddan gaar ah oo marti u noqdaa, waxa sannakdan hal-ku-dheggiisu ahaa Deris-wanaagga, waxaana marti ku ahaa waddanka deriska ah ee Ethiopia. Waxaana ka qayb-galay martisharaf ka kala socday in ka badan 20 waddan, iyadoo muddadii uu socday lagu soo bandhigay suugaan, taariikh, Dhaqanka, dood-wadaag ku saabsan deris-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada iyo Buugaag tiro badan.

Munaasibadda Xidhitaanka Bandhigga, waxa uug horeyn lagu soo bandhigay ciyaar-dhaqameed kala duwan iyo heeso ay madasha ka qaadeen Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo ay weheliyaan fannaaniin kale oo suugaan kala duwan ka haqab-tiray dadweynihii bulshadii caawa ku kulantay munaasibaddda.

blankGuddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa ahna aasaasaha Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo hadal mahadnaq u badan ka jeediyey munaasibadda Xidhitaanka bandhigga, ayaa u mahad-celiyey Dadka ka qayb-galay ee gudaha iyo dalka dibaddiisa uga yimi bandhigga iyo cid kasta oo qayb laxaad leh ka qaadatay oo Ciidamada ammaanku ku jiraan.

Jaamac Muuse Biixi waxa uu si gaar ah mahad-celiyey Saxaafadda Somaliland guud ahaan oo uu husay inay si hagar la’aan ah baahiyeen wararka iyo barnaamijyada Bandhigga muddadii todobaadka ahaa ee uu socday.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad-naqo ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidamada amniga oo magaaladan oo cidhiidhi ah oo dadkoo imanaya oo xaruntu qaadaysaa ay saddex laab ka badan yihiin haddana inoo saamaxay saamaxay inaynu si nabad ah ku soo galno, si nabad ah ku baxno oo si basar leh gawaadhideenna loo hago.

Waxaan u mahad-celinayaa dhalinyarada gobollada Somaliland ka timi ee lixda cisho halkan nala joogay ee sababta ay u joogeen ahayd inay shaqeeyaan oo wax bartaan oo Deris-wanaagga ay dib ugula noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen.

Waxaan u mahad-celinayaa macalimiintii dunida daafaheeda uga timi inay wax baraan oo waxbarashada rasmi ah ee wakhtiga kooban ku baxday laakiin aadka u koobnayd halkan inagula wadaagay,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, isagoo intaas ku daray, “

blankJaamac Muuse Jaamac waxa uu sheegay in bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa kaga duwan yihiin kuwii sannadihii hore iyadoo qabsoomiddiisa iyo dhaqaalaha ku baxay dalka gudihiisa ku kooban yahay, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey shirkadda Daallo Airlines oo uu sheegay inay doorka ugu weyn ku lahayd qabsoomidda bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa.

“Bandhigga Buugaagta Hargeysa haddan is-yidhaahdo cidda suurto-galisay u mahad-naq habeen dhan bay innaga qaadanaysaa, laakiin waxaan doonayaa inaan caawa idinla wadaago Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa gaar ahaan kan 2021 inuu yahay mid Somaliland gudaheeda ku eg oo ku qabsoomay xoog ay reer Somaliland isu geeyeen. Sidaa daraadeed, dadkii is-garab taagay ee kaga dhabeeyey inay hirgasho ee xooggooda, maskaxdooda iyo maalkooda ku deeqay baan doonayaa inaan u mahad-celiyo. Hore waynu u sheegnay ciddii taageertay bandhiggan, Laakiin hal qof baan doonayaa inaan gaar ugu mahad-celiyo – Maxamed Yaasiin Colaad iyo Daallo Airlines, waxaan doonayaa inaan si gaar ah ugu mahad-celiyo,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac.

blankIsagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Daallo Airlines, waxay go’aansatay, sidii horeba u dhacday iyadoo dalkani go’doon yahay oo dhibaato fara badan ka taagan tahay hormoodka ka noqotay inay adduunyada ku xidho oo Somaliland mar aan si kale lagu baxaynin ay noqotay shirkaddii calanka dalkan qaadday si ay umaddani dunida inteeda kale ugu xidhanto. Waxaan ku farxay in maamulka shirkaddu iyadoo aan loo tagin ay nala soo xidhiidheen oo jeclaysteen si ay isu garab-istaagaan dhammaan dhalinyaradaas iyo dadkaas ka soo qayb-galay, hadday noqoto maal iyo hadday noqo muruq, hadday noqoto feker iyo hadday noqoto talo; intaba si kalgal leh, dadnimo leh, dalnimo leh ku garab istaagay. Si gaar ahbay ii taabatay ficilka uu sameeyey Colaad iyo Daallo Airlines, runtii waxay muujieen qiimaha uu leeyahay iyo nuxurka macnaha ka dambeeya barnaamijkan”.

blankGuddoomiye Jaamac Muuse Jaamac waxa kale oo uu mahad-celiyey Dadka ka-qayb-galka barnaamijka uga yimi dalka dibaddiisa ha ahaadaan muwaadiniin ama dad ajaanib ah oo sida uu sheegay tiradoodu kor u dhaaftay 100 qof.

“Barnaamijani wuxuu ku hirgalay fekerka, xoogga iyo caqli ay isu geeyeen dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan intii halkan joogtay ee ahaa Is-dirayaasha (Volunteers) iyo hawl-wadeennada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo markan kaligood barnaamijkan maamulay, ayaa doonayaa inaan u mahad-celiyo.,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahad-celiyey dadka ka-qayb-galka Bandhigga uga kala yimi waddamada deriska ah.

Waxa uu Jaamac Muuse xusay Marwo Edna Aadan iyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo uu labadooda ku tilmaamay inay yihiin Astaanta uu leeyahay bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa isla markaana ay maskaxdooda iyo xooggooda u hureen qabsoomiddiisa. Waxa kale oo uu mahad-naq uu jeediyey Bahda Fanka, Fanaaniinta iyo Farxasanka oo qayb laxaad leh ka qaatay Barnaamijka Bandhigga 14aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa.

blankUgu dambayntii waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay tirada buugaagta la iibsaday muddadii toddobaadka ahayd ee Bandhiggu socday iyo magacyada saddexda buug ee ugu iibsiga badnaa muddadaas.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa waxa uu madasha ka sheegay in Bandhigga Buugaagta caalamiga ah Hargeysa laga iibsaday in ka badan 4,500 buug, isla markaana buuggii loogu iibsiga badnaa ee xarunta lagu soo bandhigay uu noqday Buugga ‘Hawaale Warran’ ee uu qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Halka Buugga labaad ee tiro ahaan ugu iibsiga badnaa noqday buugga Foolaad oo laga qoray Sooyaalkii iyo Fankii Allah ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in buugga saddexaad ee ugu iibsiga badnaa noqday Buugga ‘Mahadho’ oo ay qortay Fadxiya Cabsiiye.

Munaasibadda Jimcaha caawa lagu soo xidhay bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta oo martisharaf tiro badan iyo boqolaal shacabka Somaliland ahi ay goobjoog ahaayeen, ayaa ku soo xidhmay kuna soo gebo-gabooway Jewi deggen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

1 COMMENT

Comments are closed.