HomeBandhigga 12aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo la soo af-meeray iyo Waxyaabaha...

Bandhigga 12aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo la soo af-meeray iyo Waxyaabaha ku Cusub Sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa si rasmi ah u soo gebo-gabeeyey Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo 12 jirsaday sannadkan 2019, isla markaana illaa Sabtidii ka socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa u mahad-celiyey cid kasta oo dalka iyo waddamada kale ee dunida ka socotay oo ka soo qaybgashahay Bandhigga Caalamiga ah ee 12-aad ee Buugaagta Hargeysa oo caawa si rasmi ah loogu soo gebo-gabeeyey Xarunta Dhaqanka oo uu sabtidii ka bilaabmay, ciddii hawsha wadday, diyaarisay iyo qof kasta oo hibadiisa ku soo bandhigay intii bandhiggu socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey ciidammada ammaanka iyo dhalinyarada Barnaamijka Shaqo-qaran oo si heer-sare ah uga qayb-qaatay amniga iyo hawlaha Xarunta intii Bandhigga.

 

blank

 

Bandhigga 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, waxaa sannadkan Martida koowaad ku ahaa dalka Masar oo ah dal taariikh facweyn leh, aqoontana heer fiican ka gaadhay, waxaa ka soo qaybgalay 92 qof oo Wakiillo, Qorayaal, Suxufiyiin, Hal-abuurro iyo Jilayaal isugu jira oo ka kala socday 23 dal iyo weliba Qorayaal, Farshaxanaystayaal, Abwaaniin, Hal-abuurro iyo dad hibooyin gaar ah Illaahay siiyey oo iyaguna gobollada dalka Somaliland ka kala socday.

 

Jaamac Muuse Jaamac, waxa uu sheegay in Dadka hibooyinkooda Hal-abuur, Farshaxan iyo Qoraal ku soo bandhigay lixda cisho ee Bandhiggu socday, inay yihiin 160 qof oo ay 45 ka tirsani Haween ahaayeen.

blank

“160 Qof oo qorayaal, hal-abuurro, farshaxanno iyo arts suxufiyiin ah, ayaa innagala qaybgalay oo hibadooda innala wadaagay intii uu Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. 91 qof ayaa halkan soo istaagay isteyjka, 45 ka tirsani waxay ahaayeen Hablo, waa guul inay dhalinyarteenna iyo da’ kastaba ay maanta u sinnaadaan bandhiggan hibooyinka.”

 

Waxa kale oo uu Jaamac sheegay in qaybta baahinta hawl-qabadka iyo bandhigyada joogtada ahaa maalmaha iyo habeennada uu socday Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa sannadkan 2019-ka uu halkii ugu sarraysay gaadhay, marka laga eego dhinaca Warbaahinta tooska ah iyo midda Bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook-gaba, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey hawl-wadeennada xarunta iyo guud ahaan Warbaahinta kala qayb-qaadatay baahinta wararka warbixinnada u gaarka ahaa Bandhiggan.

 

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa hadal uu ka jeediyey xidhitaanka Bandhiggan, waxa uu ku sheegay inuu maanta ogaaday in dhalinyarada reer Somaliland gaadheen amma marayaan meel aanu ka filayn.
“Buugaagta halkan aan maanta ku arkay ee la soo bandhigay Dadka qoray badidoodu waxay u badnaayeen soddon jir iyo wax ka yar. Waxaan arkay dhalinyaro aanan islahayn wax badan bay ka garanayaan dhaqankeennii miiga.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

blank

 

Wasiir Maxamed Muuse, waxa uu u mahad-naqay Guddoomiye Jaamac Muuse iyo Safiir Ayaan Cashuur, waxaanu yidhi; “Waxaan u mahad-naqayaa oo hambalyeynayaa Dr. Jaamac iyo Safiir Ayaan, hambalyo, wax waynn baad Somaliland u qabatay, waxaad qabateen waa farriin Qaranka u baxaysa oo faraysa adduun weynaha oo u sheegaysa, waxay Somaliland tahay iyo halkay marayso.”

 

Mar uu Wasiirka Warfaafintu ka hadlayey muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin dadka ka soo qaybgalay Bandhigga ee caalamka ka yimi, waxa uu yidhi; “Waxaa ka soo qaybgalay 23 dal, oo ka wakiil ah bulshada iyo dalalka ay ka yimaaddeen. Aqoonyahanka reer Somaliland meelkasta oo ay ka kala yimaaddeen gobollada iyo dibedda, iyo 92 wakiil oo 23 dal ka kala yimi inay halkan isugu yimaaddeen, waxay muujinaysaa nabadgelyada, xasilloonida, degganaanshaha iyo dowladnimada Somaliland.”

 

Waxa uu sheegay Wasiirku in sannadaha soo socda loo baahan yahay inay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa inta ay hadda le’egtay ka sii weynaato. “Waxaynu u baahannahay inaynu helno meel halkan ka wayn oo aqoonta, afka, dhaqanka iyo horumarka bulshadu ka muuqdo oo intan ka weyn inaynu helno, ayaan idiin ballan-qaadayaa haddii Illaahay idmo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse Diirye.

 

blank

 

Gelinkii dambe ee Khamiista maanta, ayaa Xarunta Dhaqanka lagu maaweeliyey Carruurta ku dhaqan magaalada Hargeysa intoodii nasiibka u heshay inay ka soo qaybgalaan Bandhigga Qalaama-rogodka iyo ciyaaraha dhaqanka ee Kooxda HAVOYOCO caanka ku yihiin. Carruur badan ayey waalidkood la faraxsani keeneen Xarunta si ay u daawadaan ciyaarahaas.

 

Xidhitaanka Bandhigga ka hor, ayey Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska iyo Maxamed-BK, maaweeliyeen boqollaal iyo boqollaal Dad weyne ah iyo Martida Madasha toddobaadka ku sugnayd ee sida joogta ah uga qaybta ahaa Bandhiggan 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, iyaga oo Heeso waddani ah iyo kuwo jacayl ahba ku raalligeliyey ka qaybgalayaasha.

 

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories