HomeBallicabane: Ciidamada Liyuu Booliska oo si Arxan-darro ugu dilay Qof Shacab ah...

Ballicabane: Ciidamada Liyuu Booliska oo si Arxan-darro ugu dilay Qof Shacab ah iyo khasaaraha ka dhashay Bannaan-baxyo dadweynaha magaaladaasi ka jawaab-celiyeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Balicabane (SLpost)- Ciidamada Liyuu Booliska ee maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta gelinkii dambe si arxan darro ah qof shacab ah oo aan hubaysnayn ugu dilay degmada Balliacabbane oo ku taala xuduudka ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Ethiopia.
Ciidamo ku gaashaaman saddex gaadhi oo sida la sheegay ka sool shiraacday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa duleedka degmada Ballicabane si bani’aadamnimada ka baxsan toogasho-wadareed ugu dilay Marxuum magaciisa la odhan jiray
Aadan Yusuf Mooge oo lagu naanaysi jiray Qodob, kaas oo aan markii dambena ay maydkiisa qaateen.
Wararka aanu ka helayno deegaanka degmada Ballicabane oo ka tirsan gobolka Hawd ee Somaliland, ayaa sheegaya in Askarta Dilka geysatay ay si badheedh u soo bartilmaameedasadeen marxuumka, iyaga oo aan waxba weydiinna ay rasaas Oodda kaga qaadeen.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya sababta ay ciidamadaasi u bartilmaameedsadeen marxuumka, haseyeeshee fal-dambiyeedkan noocan ah, ayaa ka mid ah gabbood-fallada ciidamada Liyuu boolisku ku hayaan shacabka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan Degmooyinka Xarshin iyo Gaashaamo ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

breaking-news
“Ciidan Liyuu Boolis ah oo wata Saddex Gaadhi oo dhinaca Jijiga ka yimi oo dhinaca xuduudka soo maray ayaa siday u socdeen ka dul dagay guriga marxuumka oo magaalada u dhow,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo khadka telefonka ugu waray Wariye ka tirsan shabakaddan wararka ee Somalilandpost.
“Markii ay gurigii tageen ee ay baadheen, isagiina ay ka waayeen, ayay ka soo noqdeen, waxaanay yimaadeen magaalada. Askari boolis Kililka ka tirsan ayay weydiiyeen, dabadeedna isaguna muu garanayn waxay ka doonayaane, wuu u tilmaamay, waxaanay ugu tageen meeshuu joogay oo magaalada (Ballicabane) ka baxsan. Dabadeedna iyaga oo aan waxba weydiin ayay xabbado ku fureen,” ayuu qodkani hadalkiisa raaciyey, isaga oo intaas ku daray inay qaateen meydkii Marxuumka.
Dhinaca kale, dadweynaha degmada Ballicabane oo ka gadooday dilka foosha xun ee ciidamada Liyuu Boolisku ay u geysteen Marxuumka, ayaa dab
qabadsiiyey Dugsi waxbarasho oo ku yaala dhinaca xuduudka Itoobiya ee magaalada Ballicabane.
Maaha markii u horreysay ee shacabka deegaamada degmada Xarshin oo tacaddiyo kala duwan kala kulma Ciidamada Liyuu booliska oo dhammaantood ka kooban Beesha Ogaadeen ee haysata awoodda talada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Somalilandpost.net

Balicabane

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories