HomeBalan-qaadkii Xubinta Komishanka Iyo Ballan Furkii Dambe Ee Cirro - W/Q: Ali...

Balan-qaadkii Xubinta Komishanka Iyo Ballan Furkii Dambe Ee Cirro – W/Q: Ali Jaamac Faarax

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Asalaamu Calaykum Marka Hore Jaallayaal.

Guddoomiye cirro ayaa odayaal ,aqoon-yahan, siyaasiyiin , salaadiin kamid ah beesha isaxaaq kullan uu la yeeshay u ballan qaaday inuu sii doono beesha xubinta komishanka doorashooyinka u jilaysay xisbigiisa , taasi oo la isla qaatay wuxuuna ka dalbaday inay nin xul ah beesha u keento oo aqoon-yahan ah.

Cirro ayaa odayaashu ku yidhi markii hore ayey meel xun igaga dhacday xubinta komishanku hadda idinka idin dhaafi maayo xubintaasi cid idinkaga xaq lihi ma jirto, maadaama oo aad tihiin beel ballaadhan oo degta caasimadda Hargeysa ee nin xul ah ii keena  , odayaasha iyo haldoorka beesha isaxaaq nin ay soo xuleen oo aqoon-yahan ah ayey  ugudbiyeen  Guddoomiye Cirro . kaasi oo uu Guddoomiyuhu wuu qaabilay Beeshe , waanay wada sheekaysteen waxna wey isku ogadeen .

Haddaba iyadoo arrintu halkaasi maraysu ayuu guddoomiye cirro ku kacay ballan fur cad, isagoo ballan qaadkii uu beesha u qaaday aan qaderin, isla markaana aan odhan shaqsigan aad uu keenteen kuma qanacsani ayuu xubintii komishanka ee uu u ballan qaaday inuu siin doono beesha isaxaaq doorkan  , isagoo weliba sheegay in ay berigii hore meel xun kaga dhacday, hadda se aanu isaxaaq dhaafinay xubintaase, laakiin’se ayuu shaqsi kale oo beeshiisa ismaaciil carre kasoo jeeda u magacaabay, taasi oo ah wacad fur uu ku kacay Guddoomiye Cirro iyo qadarin la’aan beesha isaxaaq iyo yasid uu yasayo beesha iyo weliba aamin la’aan uu ku aamini waayey jagaddaasi inay xisbiga u qabato beesha isaxaaq Carre.

 Waxa taas ka sii darran arrin aan qarsoonay oo lagu hayo Agaasimaha xarunta guud ee WADDANI wiilka lagu magacaabo Jamaal , kaasi oo aan xisbiga dhexdiisa lagu qadarin oo shaqadiisa aanu u madax-baanay oo aanay aaminsanay-ba ee ay u arkaan basaas, waxaana shaqadiisii haysta ninka xoghayaha guud lagu sheego oo shaqaale kale keensatay,dhammaan-ba wiilkaas waa la cuna qabateeyey wuu ku magacaaban yahay uun agaasime guud , laakiin waa magac u yaal ay bahdileen, waxaan odhan lahaa Jamaal waar inadeer nin dhalinyaro ah oo aqoon-yahan ah ayaad tahaye is casiley oo iskaga tag WADDANI .

Beesha Isxaaq waxa la gudboon haddii  ismaaciil Carre aanu wax inoo ogolayn oo uu madaxa ku duubtay xisbiga WADDANI min Guddoomiye ilaa mid golle dhexe iyo xubin komishan-ba haddii ay qaateen, inay tashadaan oo reerka isaxaaq talo iskugu yimaado ballaadhan oo dadkooda ay dhinaca ka raacaan wey arkaan sida  ay wax u socdaan.

Qalinkii Ali Jaamac Faarax

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories