HomeBALAN-QAADKII EEBBE LALA GALAY EE LA CAASIYAY!!

BALAN-QAADKII EEBBE LALA GALAY EE LA CAASIYAY!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Halgankii dheeraa ee ay shacabka reer Somaliland la galeen  xooggii iyo awooddii Taliskii kelidii-taliyihii arxanka darnaa, ee gumaadka shacabka reer Somaliland waysada u biyaystay,waxaynu madax iyo shacaba wacad Allah, iyo dhaarba ku marnay, in hadii Allaha wayni inagu guuleeyo halganka in aynu u shukri naqi doono, isla markaana aynu shareecada islaamka ku Xukumi  doono  dalka marka aynu qabsano.

blank

Hadda waxa lays waydiin karaa Allah markuu guushii ina siiyay ee cadawgii inaga kiciyay, inagu wacadkii aynu qaadnay ma fulinay?.

Jaawbtu waa maya iyadoo kooban. Run ahaantii  balanta la qaado waxa waajib ah in sideedii  loo  fuliyo, ta  bani’aadamka lala galo iyo wacadka Adoomuhu  la galaan Allahii abuuray-ba.

Balan-furkunna waxa ka dhasha cadho Allah. Waxa qisooyinka Qur’aanku inooga waramay ku jira Ummaddo  wakhti  aafooyin soo wajaheen,Allah baryay markii uu ka aqbalayna ee uu masiibooyinkii ka badbaadiyayna,aan la iman Shukri-naq iyo Adeecidda Eebbe, taasoo sababtay in mar qudha laga tirtiro dunida.

Xasuuso weedhihii iyo erayadii ay Madaxdii ururkii S.N.M marka ay Khudbaddaha ka jeedinnayaan goobihii Farumaha dagaalka iyo goobihii Shacabka laga dhiiri-gelinnaayo ay ku furi jireen hadalkooda, waa kuwan u fiirso(ALLAHU AKBAR,ALLAHU AKBAR,ALLAHU AKBAR)(Marka aynu dalkii qabsano ee Allah innoo gargaaaro waxaynu ku Xukumaynaa dalkii shareecada islaamka insha allaah).

Madaxdii weedhahaa caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa Madaxwayne Axmed-siilaanyo iyo dhammaan Madaxdii halganka.

25 sano oo aynu dawlad ahayn wuxuu Eebbe innagu galaday wanaag iyo Amni, innagoo waliba aan fulin balantii aynu qaadnay, waxaanna hubanti ah haddii aynu Caqliga ka shaqaysiin wayno,in Cadho Eebbe innagu dhici doonto, mar kalenna ay soo noqon doonto wixii hore innoogu dhacay iyo wax ka sii daraniba.

Madaxdii balantaa qaadayna wuxuu Alle talada dalka u dhiibay Axmed-Siilaanyo, isagoo Eebbe eeggaayay innuu balantii fuliyo iyo  in kale,  iyaddoo sida muuqatanna aannu fullin balantii uu waaggaas ummadda hortaadda uu IIIaahay la gallay, ka isaga (Axmed Siilaanyo), ka dambeeyaanna lama fillaayo innuu fulliyo balantaas.

Taas badalkeedana waxaynu gargaar iyo laab jeclaysi ka doonay kuwii Allah amarkiisa ka gaaloobay,si dhaqaale kiniisadaha laga soo ururiyay iyo ictiraaf inoo siiyaan.

Waa maan barri iyo maan bilaal arinkeenuye,dhawaana qof kastaa wuu la kulmi cawaaqibkeeda  haddaan jidka toosan lagu noqon.

Durbana qofkii Caqli-lihi wuu garan karaa inay bilaabantay Cadhadii Eebbe, waxaanad ku garan kartaa dhibaatooyinka innaga dhex bilaabmay ee ay ka midka yihiin Abaaraha, dilalka Ciidanka dhexdooda ka dhaca iyo Shacabkaba, muqaalufa xumaanta, Qabyaalada, Xaraanta oo sii badatay,is necbaysiga bulshada dhexdooda I.W.M

Waxaad si fudud uga fahmi kartaa halka aynu marayno golayaasheenii Qaranku waxay isku haystaan sidii loo Ansixin lahaa Xeerka Ribawiga ah ee baananka, inay Diin islaam innagu Xukumaan iska daayoo, waxay u tafaxayteen in Xeerarkii gaaladu lahayd ee Diinta islaamku xaaraantinimaysay ay dhaqan iyo diin inooga dhigaan. waa yaab iyo yaabka  yaabkii.

Qallinkii Maxamed Yuusuf Cabdi

Hargaysa/Somaliland 

ShareThis

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories