HomeBalaayaa Ka Soo Ham iyo Dig Leh!  Qeybtii Labaad

Balaayaa Ka Soo Ham iyo Dig Leh!  Qeybtii Labaad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Waagii markii u dilaacey waxa loo kacay gudashada salaadii subax, se markii laga soo noqday hurdo ayaa dib loogu wada noqday abaaro 8:30 kii markay ahayd ayey dhalinyartii badankoodu u amba baxeen si ay u wajahaan maalintan cusub shaqooyinkoodiina uga hawl galaan, Halac oo ahaa nin kaftan badan ayaa toosiyay feedhayare kuna yidhi “dadkan isfahmi maysaane intaydaan is dilin ina mari aynu maqaaxida kasoo quraacanee” , laysasoo raac waxa ay soo hor istaageen maqaaxi ka mida maqaaxiyaha ku yaala jidka weyn ee Maka Al Mukarama. Quraacna laga dalbadey iyaga oo ku hawlan cunitaanka cuntadan miiska saaran ayaa waxaa soo dhacey telefankii Feedhayare. Halloow, haa waan imi magaalada.

 

 

Aduunban ku sugayaa, hadaad wakhti hayso maantaba aynu is aragno anuu diyaar baan ahey mar walba. Waa erayadii kusoo dhacayay dhagaha Halac oo aan ogeyn qorshaha uu saaxiibkii u yimi magaalada muqdisho se hadalkiisa ka dhadhansanayay inuu cid la balansanaa hawlina ay ka dhaxeysay.

 

 

Markii uu dhamaystay hadalkiisi ayuu su,aaley inder horta qorshahaaga iyo waxa aad muqdisho kasoo doontay midna nooma aad tibaaxine bal wax isheeg, walow aaney feedhayare ka farxinin su,aashaasi se waxa uu ku yidhi waxaan u imi hawlo shaqo iyo dano shaqsiyeed ee waxaad igu sii tuurtaa suuqii Bakaaraha nin ayaan kula balansanee.

 

 

Suuqa bakaaruhu waa suuq aad u balaadhan se waxa uu usheegay inuu ku dajiyo halka ay ku taalo jaamacada looyaqaan Somali International University (SIU). Halkii markii uu kaga dagey halac wuu iska soo laabtey feedhayarena goobtii markuu ku sugnaa qadar daqiiqado ah waxa soo dhinac istaagey gaadhi ay saaranyihiin rag culimo u saansaan eeg balse aanu wajiyadooda aqoonsan, waxa uga soo dhawaaqey nin daaqada dhinaca aan isaga so xigin saarna soo fuul gaadhiga walaalkayow waa anigiiye.

 

 

Gaadhigii ayuu gunta u galey ninkii isaga ahaa. Ninkan uu garawsaday oo ay ku kulmeen hargaysa waxa la odhan jiray Abuukar dhuxulow waxa uu bilaabey inuu is baro feedhayare iyo raggii kale ee baabuurka saarna “walalahayga muslinka ahow ninkan waxa layidhaahdaa Feedhayare Ficiis, waxa uu kamid yahay cidaha u gargaari doonta garab buuxana u noqon doonto diinta islaamka” barasho wanagsan, soo dhawoow, waxbadan baan ku sugaynay iyo hadalo kaloo badan ayaa markaliya kasoo yeedhay ciidankii gaadhiga saarna. “Een aan iyagana ku baro wiilkan waxa la dhahaa Baariyoo magaciisa jihaadiga ahna waxa waaye Usaama Binu Sayid, ninkan garabkaaga fadhiya waxa layidhaa Bajiye magaciisa jihaadiga ahna waxa waaye Sacad Binu Waqaas, duqan baabuurka inoo wada waxa la dhahaa Bushkuleeti magiciisa jihaadiga ahna waxa waaye Camar Ibnu Caas”, dhan wuxuu aad ula yaaban yahay magacyadooda, dhankale wuxuu u qaadan laayahay labadan magac.

 

 

Isagoo aan juuqba odhan ayuu abuukar hadalkii kusoo laabtey “Adigana magacaaga jihaadiga ah xarunta markeynu tagno ayuu laguu baari aboowe” barasho wanagsan ayaa dirqi kaga soo baxdey.

 

 

Ugu danbeyn waxey soo gaadheen masaajid weyn oo kuyaaley xaafada Huriwaa oo ay sheegeen iney kulan kulahayeen, waxa joogey rag aad ubadan wacdi diini ahna wuu ka socday markay soo galeen masaajidka gudihiisa. Nin sheekha oo da, ah ayaa ka hor yimi soona dhaweeyay feedhayare isla markiibana wuxuu ku bilaabey inuu uga waramo jihaadka iyo qiimihiisa iyo dadaalka ay ugu jiraan inay dabar jaraan gaalada hanatey dhulkii soomaliyeed sidoo kalena aaney kala xukun hoosayn gaalka iyo kan u gargaaraya oo uu aad ugu talax tegay dawlada federaalka soomaaliyeed iyo taagerada ay siiyaan gaalada.

 

 

Markii uu mudo ku dhaw 2 saac u waday wacdigaa ku saabsanaa jihaadka ayuu feedhayare intuu is heyn kari waayey ku yidhi anigu maantaba waxaan diyaar u ahay sheekh inaan diintayda iyo dadkaygaba u huro naftayda iyo maalkaygaba, waxa kale oo maskaxiida kusoo dhacey saaxiibkii hanad iyo shaqada uu gacanta ku hayo oo ah inuu la shaqeeyo haayad ay ka hawl galaan dad gaalo ah, qiiradaa tustay saaxiibkii se Feedhayare iyo Hanad waxey ahaayen laba qofoo isku xaafad kusoo wada koray waayo badan soo qeybsadey afkana wax ku kala goosan jiray, waliba Feedhayare wuxuu la dhashay caruur aad u badan oo gurigooda badanaa uma soo hoyan jirin waxay jabad wadaagi jireen Hanad oo anay had iyo jeer kala dhamaan jirin.

 

 

Gabalkii wuxuu u dumay isagoo dhex mushaaxaya boqolaal dad ah oo ay hoy u tahay xarun markii danbe la keenay oo layidhi waa xarunta ay mujaahidiintu ku kulmaan isla habeenkaa feedhayare waxa loo bixiyay magac jihaadi ah Abuu hurayra, waxaa maskaxdiisa kusoo dhacdey inuu la hadlo raggii ay saaxiibada ahaayeen haddana qiirada haysay awgeed waxa uu hore ka galay tababar fudud oo ah siyaabaha walxahaha qarxa loo rakibo oo habeenka jadwalka ugu qornaa.

 

 

La soco…

 

W/Q- Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories