HomeBal Xidho Okiyaalaha!! – W/Q: Saddam Carab

Bal Xidho Okiyaalaha!! – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

blankWaa maxay dadkan aan dadka u eekayni, Halkey ka yimaadeen, Ma indhahaygaa mise waa siday yihiin, Acuudu Bilaah, Sawnigan indhihii kashakiyay ee marmaray, indhahayga maaha e waa siday yihiin, Oo tolow  Ma duul soo socday wadada usii xaadhayaan?

Waa maxay waxanoo isqancin , is jajabin  iyo isla wayni ahi, iyaguunbaa ismaqlaya miyaanay codka iyo hadalka dadka kale maqalba? Murayadahan ay idhaha kusitaan tolow ma isqurxinbay u sitaa mise waa tii araga?Mooyi, cid ila hadashaba sawniga waayay, maxay ii dhaaf dhaafayaan ee hadalkaygana iskaga dhaga tirayaan, Maxay intay isoo eegaan hadana iiga jeedsanayaan, hadalkayga way maqlayaan  sawakuwan hadaan la hadlo isoo eegaya laakiin iima hal celinayaa oo afku waa dam, indhaha mooyi oo Okiyaale madowbay xidhanyihiin, dhagahuna waa sidaa.

La hadlay oo dhagba jalaq la isiin waa, riix riixay oo hadana riixay, ku qayliyay markale oo dhagaha kaga adimay, gacanta soo qabtay oo iska kay gundhiye, is idhi malaha kumaba arkayaan  oo is hor qotomoyiy, wax isbadala wali mahayo.

Cabaar u fikiray oo farsamo kale fadh fadhay, waxaan baadh baadho oo aan  kolba mid soo qabto  kala shaandheeyay, ka fursan wayday oo is idhi bal qayladan iyo qabqabsigan kadaa oo qunyar wax ugu sheeg, u imid, kusoo dhawaaday oo  jaqafta dhulka aan ku keenayo ka dhimay, dheega dheega u saaray oo afka dhagta ugu qabtay, qunyar ku qulaamiyay oo fariintii wada idhi, anigoo ku hanwayn oo ku hawaawiyaya inay hadda uun dhugan doonaan oo dheefsan doonaan waxaan ku dhuray, adaaba is qanciyay oo qalbigaaga wax kale ku qulquliyay ma istidhi, dhugasha daaye dhinacba kagama dhacayo waxan aad akhriyaysaa, ma  jirto halcelin haba yaraatee, Haa iyo Hii toona male intay hoos isoo fiiriyaanbay hadan iga jeedsadaan ayey hawshooda iska qabsadaan.

Hadaba si ku sanbanaan oon sameeyaa maxay tahay tolow? Waxa I gubaya oo aan fool la ahay fariin iyaga wax u tari lahayd cidii wax isoo fartayna faa’ido u le, maxay wax u maqli laayiin, maxay ugu fiirsan waayeen oo u falanqayn laayihiin fariinta aan usido hadhow haba  diidaane, miyay iga rogaan rarka oo iga furtaan fariinta I gubaysay ee gama’a  ii diiday.

Tooda ayuunbaa u muuqata oo tukale haba kula talin siday iyaga latahay, kugu qosle oo waabay kuu qashaafayan waxaad ku hadlayso, miyuu iska aamuso, ma cid qabatuu wayay, lagu quunsayba ninkow!!! Waxaad ku hadlaysaana  inuu qaribayahay lagu qor oo hoosta lagaa xariiq,!! miyaanu damiir lahayn, muxuu dadka uga duwanyahay waatan lala wada yaabaye? Oo iyagaba sawnigan la yaaban miyay iyagu isla qajilaan?, adiga laftaadii laguu qajil.

Wadar iyo Waaxid iyamaa waalan !! Waa lagayaabaa in sida loobadiyo aad u badiso, ha u badine ka baaran dag intaanad wax kala xukumin.

Wax aan sameeyo oo kale garan waayay oo baadigoobay bal cid meesha kulanool oo aan iyaga ahayn, cid aan ka weheshado cidlada iyo cuqdada ay igu beerayaan, hadii kale waa inaan caynkooda oo kale u camiraa.

Goobay intaan waqti iyo werwer karayayeyna ku waraabiyay si aan wehel u helo, waxaad moodaa in aan wehel arkayo, albigii inuu jabo u janjeedhay imika soo sara joogsado, in hamigii habeenku usoo galayey imika soo miirabayo, cawadayda waxan cawa cindiga ku hayay iisoo cagaare oo cidbaa ila baaq baaqaysa, ila beeraysa oo biyahana ila waraabinaysa, bushaarooyinka iyo bilaha khayrka le ee ii bidhaamaya ayaa  laabtayda buuxiyay oo yidiidiilo galiyay, se waa hammi aan u hanqal taagay oo aanan weli helin.

Fariintii iyo fikradii la iisoo dhiibaybaa waxanoo hawla I galisay, u tagay kuwaan tuhmay, u tabiyay waxaan tiraabayey, una tilmaamay waxay hadalo iyo hawlba igu tuur tureen, intaa hadaan ka dhawaajiyay dhakadii I cuslayd waxaad moodaa inay culayskii ka kala dhacay, waayo waxaan is bidayaa in wixii uurkayga ku jiray aan dibada usoo tufay, laakiin cidaan u tabiyay maaha kuwii dhab ahaan loogu talo galay.

Kadar oo dibi dhal, intii hore hawl yaraydaa kuye Aanu kula talino, taadani socon wayday ee muurayadan oo kale xidho si aad waxu aragtid? Oo sawniga imikaba arka? Adigu waxbaad aragtaa anaguna waxbaanu  aragnaa, isku wax se ma aragno siday u eektahay? XIdho Okiyalaahan la xidhanyahay oo kale, si aad u aragto waxa aanu arkayno.

Oo idinku miyaad iska bixisaan si aad u araktaan waxan aan arko? Midda kale hadaan xidho, yaa iga saaraya? Armay fariinta aan sidaa luntaa, Hadaan sidiina wax u arko goormaad idinku doonaysaan in aad sidayda wax u aragtaan oo Okiyaalahana dhigtaan?

Bal Xidho Okiyaalaha

Qalinkii:  Saddam Xusseen Carab

Saddamcarab@gmail.com

Hargeisa- Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories