HomeBal tusaale ahaan ka soo qaad

Bal tusaale ahaan ka soo qaad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Labadeenna ayaa la inagu casuumay xaflad aroos oo ka dhici doonta mid ka mid ah hudheellada ugu waawayn magaaladii aynu deggenayn. Waynagan u diyaar garoobayna kuna dawakhnay doorashada dharkii aynu u gashan lahayn madasha. Waqti ka dib waynagan labadeennii oo labiskii u danbeeyay ku taagani baabuur ku dhacnay ee is gaynay goobtii xafladdu ka dhacaysay.

Sidii wax labadeenna oo kaliya la inoo yeedhay huteelkii oo haawanaya markaynu irrida ka soo galnay waynagan ka yaaban waxa dadkii uruursaday. In aynu hore u soo degdegnay kana soo hormarnay waqtigii xafladda waynaga isku qabsannay. Xaasha waaba sagaalkii habeennimo! Yaab! Malaha caawa mabuu ahayn aroosku mar aynu isku haynay “Keena tikidhadii” waa ka nin horjooge ka ahaa goobta xafladdu ka dhacaysay inagula soo booday. Dhiibnay labadii kaadh horena u soconay. Cidlo waaqla ayuu hoolka xafladdu ka dhacaysaa isla waaqsaday.

Laba kursi oo aan sidaa u sii durugsanayn markii aynu salka la helnay, cabbaar waynagan ku dhego barjownay muusigii dallacnaa ee yarka Dhiijeega ahi kala badbaddalayay. Tijaabo iyo fudayd mid ay ka ahayd mooyiye! Caajis markii aynu labadeenniiba marba mid hamaansaday, dadkiina laba iyo saddex inagu soo biireen, waynagan ku dawakhnay cadarrada kala jaad-jaadka ah ee dadka ka soo kamkamaya, qashaafadaha awoodda badan, kamaradaha iyo muusigii oo aad mooddo in kor loo sii qaaday.

Hadaba waa yaabe saacaddu iyada oo ay kow iyo tobankii habeenimo ku sii siqayso haddana wali ma hayno dadkii xafladda loo qabtay “Caruuskii iyo caruusaddii”. Habeen badhkii markii ay daqiiqado ka hadhsanaayeen waatan mar kaliya la wada istaagay sacabna lagu soo dhaweeyay lammaanihii caruuska cusub ahaa. Kadibna ciyaar iyo muusig cusub loo kala baxay.

Dadka goobta isugu yimid oo aad mooddo in muusigu dhiiggooda la shaqaynayo waa tan marka kolba mid cusub la saaro la wada rax-laynayo. Is dhexyaacii, buuqii, sawaxankii iyo nidaam-darradii meesha ka taagnayd sow kuwan innagu riday niyad jab ah in aynaan aroos danbeba dib u tagin!

Tusaale ka soo qaad ayuun baan ku idhi ee mabaynu tagin arooska ee la soco.

Muna Axmed Cumar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories