HomeBAKI ilaa BORAMA: Daawo Soo-dhawaynta Madaxweynaha iyo Geediga SAFARKA BUUR IYO BANNAAN...

BAKI ilaa BORAMA: Daawo Soo-dhawaynta Madaxweynaha iyo Geediga SAFARKA BUUR IYO BANNAAN oo caawa Tog-wajaale ku hakaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan oo subaxnimadii hore ee maanta socdaal uu gobollada dalka ku marayo kaga amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalooyin ka tirsan gobollada Gabiley iyo Awdal oo uu sii maray.

Madaxweynaha waxa lagu soo dhaweeyey magaalooyinka Arabsiyo, Gabiley, Kala-baydh, Dila, Baki iyo Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama oo uu caawa u hoyday, waxaana intii uu safarka ku jiray uu mashaariic horumarineed u dhagax-dhigay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

DSC_0621Safarkan oo madaxweynuhu ku mari doono gobollo dhowr ah, looguna magac-daray SAFARKII BUURTA IYO BANNAANKA, waxa ku wehelinaya Marwada koowaad, Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaanno.

Intii ay ku jireen safarkooda, waxa uu madaxweynuhu magaalooyinka ka tirsan gobolka Awdal kulamo kula qaateen, Madaxda Dhaqanka iyo wax-garadka magaalooyinka Dila iyo Baki ee gobolkaas, waxaanu madaxweynuhu labadaas degmo u dhagax-dhigay mashaariic ay ka mid tahay waddo laami ah oo magaalada Baki ku xidhaysa Jidka weyn ee isku xidha gobollada Galbeedka dalka.

Madaxweynaha iyo weftiga la socdaa, waxa ay caawa fiidnimadii gaadheen  magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo la filayo inuu kulamo kula qaato madax-dhaqameedka, wax-garadka, dhalinyarada iyo haweenka magaaladaas.

Haseyeeshee, weftiga madaxweynaha ayaa cawaysinkii caawa ka guureeyey magaalada Boorama, waxaanay soo mareen Waddada ku teedsan Xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay isla caawa saqdii dhexe ku soo hoydeen magaalo-xuduudeedda Togwajaale oo weftiga madaxweynuhu caawa u hoyday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay subaxnimada Berri ka baqoolaan Tog-wajaale, iyaga oo halkaas ka sii wadan doono safarkooda oo ay ku mari-doonaan deegaannada ku teedsan Xuduudka Itoobiya ee dhinaca Hawdka.

DAAWO SAWIRRADA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories