HomeBah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun

Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa laba reer oo ku wada dhaqan Geeska Afrika. Labadan reer la mid ma aha noolaha kale ee uu Ilaahay dhulkiisa ku uumay. Maya, kuwan abuurtooda ma mooddid in dunidan loo gu talagalay, wax aad se mooddaa in meelbaasta imaatinkeeda la gu soo ganaaxay. Qorraxdu maalin qudha cadaabteeda kulul ee ay jidhkooda ku shiilayso ka ma dul qaaddo. Oommanaha iyo abaartu waa u joogto. Qolofta dubkooda saaran wax aad mooddaa qarandi; maya, diin. U gu horreyn quruuntan dhakada ayaa wada hoolan kulaylka dartii, dhudhummaduna waa ay wada mudhuxsan yihiin ciriidda darteed. Awowyadood iyo ayeyooyinkood baa sidaa u dhako hoolnaa oo sidaa u dhudhummo mudhuxsanaa. Waa sababta loo gu bixiyay Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun.

Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun maskaxdooda iyo jidhkooduba waa ay guban yihiin. Goorta ay cadceeddu dhalada ka qabato ee maskaxdooda dhalaaliso, madaxooda waxaa ka yeedha shawwwww. Kolka ay ciidda ciriidda ahi iyada oo dhamac iyo halas ah lugaha ka gubayso mijahooda waxaa ka baxa shiiiiq. Uunkani kulayl iyo harraad ayay la wada wajaqsan yihiin weligood, weligoodna dhab u ma miyirsadaan. Erayga ”wajaq” haddii aad maqasho u baro in uu yahay jidhka oo aad u xanuunsada dabadeed nafta iyo maskaxda u gudba ilaa la waasho, harraadka iyo gaajada ayaana u gu daran waxa noolaha wajiqiya.

Haa, madaxoodu waa qolofta diinka oo kale, cagahooduna waa kuwa geela oo kale. Mijahoodu waa ay ka dhuudhuuban yihiin kuwa gorayada; maya kuwa xiidka. Kulayka cadceedda ee madaxa ka haya wax ay ka wada qaadeen cudur la yidhaahdo ”maskaxmadoobaad”, ciidda ciriidda ahna wax ay ka wada qaadeen cudur kale oo la yidhaahdo ”hoosmadoobaad”. Sidaa darteed, dhab ahaan labadan reer wax ay ku bannaanaayeen in loo bixiyo ”Reer Maskaxmadoobaad” iyo ”Reer Hoosmadoobaad”, waxaa se u hirgalay magacyada ah Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun.

Qoomkani waa huruunshada dadka dunida. Huruunsho waa hadhaadiga wax gubtay oo basbeelay. Labadan reer ayeydood buulkeedii ayay ku gubatay, iyada oo qalfoof madow oo dhuxul ah baana maalin dambe la ga sii xaadhay. Waa laba reer oo aad u dagaal badan; maya, hawl aan dagaal ahaynba ma qabtaan dadkani.

Reer Huruunsho (Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun), maalin qudha dagaalka dhexdooda ah u ma nastaan. Hadda waa maalin qudha! Beri baa sidii ay u dagaallamayeen jiilaalkii ku dheeraaday. Dagaalkii iyo jiilaalkii ayuu midkoodna dhammaan waayay. Waa maalintii ay labadooda suldaan ooyeen, waayo wax ay ka baqeen in ay dabargo’aan. Dabadeed wax ay ku heshiiyeen in ay colaadda joojiyaan oo isu yimaaddaan oo geed ku wada ducaystaan. Ilaahay waa Deeqsiye, maalintaa ay heshiiyeen ee ducaysteen wax ay heleen roob dalmare ah oo aan mid la mid ah hore loo arag. Markii ay dad iyo duunyaba dhergeen, wax ay is ku khilaafeen taariikh ahaan sidii ay taladii heshiiska iyo ducadu ku timid, qolo walibana heshiiskaa wax ay ku sheegtay qolada kale oo baqday. Weligaa ha illaawin wuxu guud ahaan in ay wada yihiin reer Huruunsho.

Heshiisku muxuu ahaa? Heshiisku wax uu ahaa: waar aynnu dagaalka dhexdeenna is ka daynno, oo xeer dhiganno, oo wada degno, oo xoolaha wada dhaqanno oo beeraha wada falanno. Hadda waa reer Huruunsho waxa sidaa ku heshiiyay! Waa la isu soo guuray. Xoolihii iyo carruurtii baa la is ku darsaday. Waxaa la gu heshiiyay Bah Dhako-Xun iyo Bah-Mijo-Xun qolaba in ay xoolaha maalin raacdo, qolo walibana kalkeeda xoolaha arooriso, oo reeraha u soo dhaamiso, oo safarka soo iibiso, oo garta naqdo. Haa, kaltan. Hadda waa reer Huruunsho waxa sidaa ku heshiiyay!

Waar yaadha, waa nimankiinnan Bah Dhako-Xun, dee maalinta aad xoolaha raacdaanba qaar baad ayda ku soo qalataan, oo irmaanka afka ayaad ku soo maashaan, oo maalinta aad safar tagtaan lacagta waad soo ka la xaddaan, oo garta aad naqdaanba idinka ayaa isa siiya!

War yaadha, Bah Mijo-Xun, oo haddaa ma idinka ayaa teello noo dhigta, oo aan maalinta aad xoolaha raacdaan soo qaruufin, oo wax ka soo qalan, oo safarka ka la xadin, oo garta gurrac u niqin? Waar wallaahay waxa aad waddaan waa sedbursi aan geed loo gu soo gabban!

Waar yaadha, Bah Dhako-Xun, waar ilmo adeerrayaal ma is ka ka la guurnaa mise caddaalad baynnu ku wada noolaannaa?

Waar yaadhaha, Bah Mijo-Xun, oo haddii la ka la guuro sow halkiinnii uun mijo xumaan maysaan?

Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun waa ay ka la aamuseen iyaga oo aan ka la guurka wanaag ku ogayn wada jooggana niyadsami ku qabin. Aamuskaa wax ay ku galeen heshiis aan habboonayn oo ah: qolo walayba maalintaada waxa aad doonto samee. Yacni qolo walayba kalkaaga xoolaha ayda ku qaruuf oo ku qalo oo safarka xad oo garta gurrac u naq. Sababta ay sidaa isu la garteen waa in ay dhaqan ahaan wada ahaayeen reer Huruunsho.

Heshiiskii waxaa diiday oday Bah Dhako-Xun ah laakiin la is ku raacsanaa in uu yahay garac Bah Mijo-Xun ah. Garacu wax uu yidhi: ’Waar wax ma idiin sheegaa, kulaylka qorraxda iyo harraadkeeda ayaad ku wajaqdeene, xeer ka dhigta laba masalo. Waa mide, giddigiin koofiyado xidha, waayo qorraxda maskaxfalluuqa idinku ridday ayay koofiyaddu idinka xigaysaa. Waa ta labaade, idilkiin hantidiinna oo dhan ku bixiya ceelal qodasho iyo biyaxidheenno, waayo harraad baa idin wajiqiyay.

Sidaas buu garacii ku wada yidhi labadii bahood ee reer Huruunsho. Se wax ay ku yidhaahdeen, waad na caayaysaa, garacyahow xumi. Ma annaga oo ree Huruunsho ah ayaad na lee dahay qorraxda ha u adkaysannina ee madaxiinna xorta ah koofiyado saara, iyo harraadka ha u adkaysannina ee xoolihiinna ceelal ku khasaareeya? Ilaahay ha ku nacdalo, garacyahow xumi!

Bah Dhako-Xun gaar bay u shirtay, Bah Mijo-Xun iyaduna gooni bay u shawrtay. Labada qolaba odayadoodii iyo doofaarradoodii iyo wadaaddadoodii iyo aqoonyahankoodii baa hoggaaminayay. Xitaa islaamahoodii oo aan berigii hore iman jirin baa yimid. Qolo waliba wax ay ku heshiisay in ay iyagu qolada kale ka wajaqsan yihiin, ayna doonayaan in ay aad u sii wajaqaan, si ay u adkaadaan. Biyaha innaga ilaaliya, koofiyadaha la sheegayo innaga ilaaliya, oo walaalayaal naxariista innaga ilaaliya. Ha noolaado wajaqu!

Garacii isaga oo wajaqsan ayuu is dilay. Reer Huruunsho (Bah Dhako-Xun iyo Bah Mijo-Xun), halgankoodii weli wuu socdaa.

 

Ibraahim Yuusuf Axmed(Hawd)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories