HomeBadhasaabkii hore ee Togdheer oo madaxweyne Siilaanyo Xusuusiyey ballan ay isku ogaayeen...

Badhasaabkii hore ee Togdheer oo madaxweyne Siilaanyo Xusuusiyey ballan ay isku ogaayeen Xilligii Doorashadii 2010

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo ka mid ah Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Kulmiye oo maanta ku biiray xisbiga Waddani, ayaa madaxweynaha Siilaanyo xusuusiyey ballan ay isku ogaayeen xilligii doorashada madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii ee Xisbiga Kulmiye talada dalka ku guulaystay.

xamarjeAxmed Cumar waxa uu madaxweynaha farriin ugu diray inaanu xoog ku sii fadhiyi doonin Kursiga haddii ay maalin dhaafto wakhtiga doorashada loogu talo galay, isaga oo xusuusiyey ballan ay isku ogaayeen xilligii doorashadii 2010-kii oo wakhtigaas xisbiga Kulmiye go’aan ku gaadhay haddii doorashada xilligaas oo ku muddeysnayd 26-kii June, 2010 ay maalin dhaafto inay xoog ka tuuraan talada dalka madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale.

Xamarje oo ka hadlayey munaasibad Xisbiga Waddani maanta ku qaabilay Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin Wasiirradii hore ee Caafimaadka iyo Warfaafinta, Xuseen-Xoog iyo Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu taageerayaasha Waddani ku booriyay inay u tabaabushaystaan Ololaha doorashada.

“Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa, taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan xalaal ah soo gasho” ayuu yidhi Mr Xamarje.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan leeyahay Xisbiga Waddani waad mahadsan tihiin intiina sii Shaqaysay,intii dambe anagaa idin kala wareegayna ee ku Abshira, hadday af iyo hadal noqoto, hadday Karti noqoto, waxaanu idinka balan qaadaynaa inaanu idin nasino, waayo? Waxaanu nahay Xisbi yahan aad iyo aad u yaqaana Xisbiga iyo Ololaha.Xisbiga iyo Ololuhu waa Dawarsi, waa Akhwaan Liibaan,waxaanan isleeyahay inaanay jirin cid nagaga haboon aniga, Xuseen Xoog iyo Duur, markaa waxaan idin leeyahay Dawarsigaa anagaa hore u soo dawarsan jiray inkasta oo aanu ku khasaarnay ee anaga noo dhaafa,” ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.

Mr Xamarje sidoo kale u diray farriin Taageerayaasha Xisbiga Waddani “Dhamaan taageerayaashayada Gobolada dalka ku kala nool, waxaa la idiinka baahan yahay in si Mugleh oo aynu u shaqayn jiray loo shaqeeyo, guri iyo guri ayaa loo baahan yahay in garabka la isku qabsado, Ololihii caadiga ahaa ee la arki jiray la soo celiyo.waxaan leeyahay ha la ina caayo Adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina shiido adkaysi ayaa la inooga baahan yahay, ha la ina xidho-xidho adkaysi ayaa la inooga baahan yahay.”

Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi oo noqday Badhasaabkii u horeeyey ee gobolka Maroodijeex uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabo wakhtigii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 2010-kii, ayaa Xabsiga loo taxaabay isaga oo xilka haya sannadkii 2012-kii, ka dib markii ay ku soo baxeen fadeexado musuq-maasuq oo lagu lunsaday raashin mucaawimo ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday Somaliland, in kasta oo markii dambe ay maxkamadi caddaysay in dambigaas lagu waayey. Haseyeeshee waxa markii dambe loo magaccaabay badhasaabka Gobolka Togdheer oo sannadkan horaantiisii xilka laga qaaday.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories