HomeMaamulka Gobolka Saaxil oo tafaasiil ka bixiyey Baaxadda Khasaare ka dhashay Roobab...

Maamulka Gobolka Saaxil oo tafaasiil ka bixiyey Baaxadda Khasaare ka dhashay Roobab Mahiigaan ka da’ay Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamad Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa shaxaad ka bixiyay khaasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ayay gobolkaasi labadii ee u dambeeyay, waxaanu sheegay guryo badan ay dumeen dad badanina guryahoodii ay deganaayeen kabo kaceen, kadib markii daad ama biyo xoogan ay magaalada soo galeen isla markaana gurmad xoogan ay kaga hortageen sidii biyaha magaalada dhex-fadhiistay ay u dhaafin lahaayeen. Badhsabka gobolka Saaxil, waxa kale uu sheegay in wadada dowga Sheekh oo xidhantay ilaa 7 tuulo uu ka roobkaasi carshaantii ka dhisnayd ay dumeen.

Badhsabka gobolka Saaxil, ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlo khasaaraha roobkaasi gaysteen isaga duqa magaalada Berbera.

Berber

Badhsabka gobolka Saaxil Cali Gadh-dheer, oo shaxaad ka bixinaya khaasaaraha ka dhashay roobabkii, waxa hadalkiisa ku bilaabay,
“wadada dowga Sheekh oo xidhantay dhagxaan ayaa ku go’an uu roobku soo daadiyay, waxaanu u dirnay gaadhi ka qaada, 7 tuulo uu ka roobkaasi carshaantii ka dhisnayd dumiyay oo ay kamid yihiin Suuq-sade, xaga xeebaha iyana waxaa laga soo sheegayaa in daadadkaasi ay kusoo fataheen, magaalada Berbera, waa magaalo xeebeed ay ku soo faafaan dooxyo badani waxa ku soo jabay magaalada dooxyadii kasareeyay oo dhan taasina waxay dhalisay in magaalada daadkii dhex-fadhiisto oo dadka guryaha ugu galo, inta aanu og-nahay ilaa 50 guri ayuu dumiyay 500 oo qoys way kabaro kaceen dadkaasi maanata waxay u baahan yihiin waxay ay cunaan iyo wax ay huwadaan, waxaan baaq u dirayaa xukuumada iyo hayadaha samo-falka inay lasoo gaadhaan gurmad deg deg ah”.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo kamida saadiinta gobolka Saaxil ayaa ka hadlay dhankiisa shaxaadna ka bixiyay khaasaarihii ka dhashay roobabkii kuna baaqay gurmad deg deg ah lala soo gaadho dad dhibaatadu roobabka ka soo gaadhay, waxaan isagoo arrimahaasi ka hadalaya waxa uu yidhi, “wali roobabkii waa soo madow yahay hadii mid dambe yimaado waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatadu sii fido, waxaan lee nahay haloo soo gurmado xukuumada iyo hayadaha samo-falka inay lasoo gaadhaan gurmad deg deg ah, laydhkii labo casho wuu ka bakhtiisnaa magaalada iyadoo laga baqo qabo biyaha fadhiya ow-geed”.

Isu-duwaha wasaarada caafimaadka gobolka Saaxil. C/raxiin Duacaale Cajab, ayaa sheegay in la soo dhaagsiiyay cisbitaalka Berbera ilaa 10 qof oo waxyeelo ka soo gaadhay roobabkaasi lixaadka lahaa ee ka da’ayay magaalada Berbera.

Roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ayay magaalada Berbera. labadii maalmood ee u dambeeyay kuwaas oo gaystay khaasaare balaadhan inkastoo wararku aaanay sheegin cid ku dhimatay roobabkaai, balse dadwaynaha ku dhaqan magaalada Berbera iyo gud ahaan gobolka Saaxil, ka baqo qabaan in roobabkaai mar kale ku soo rogaal celiyaan.

Somalilandpost.net

Berber

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories