HomeBadhasaabka Maroodijeex oo Damaanad Qaaday Ammaanka Ciyaaraha Gobolada

Badhasaabka Maroodijeex oo Damaanad Qaaday Ammaanka Ciyaaraha Gobolada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-Yare ayaa waxa uu sheegay in ay si buuxda u damaanad qaadayaan amaanka ciyaaraha, isaga oo sheegay in dhammaan ciyaaryahanada, taageerayaasha iyo madaxda gobolada Hargeysa ku ciyaaraya ay masuul ka yihiin martigalintooda, daryeelkooda iyo ilaalintoodaba.

 

 

“Gobol ahaan ciyaaryahanadii oo gobolkayagii ku ciyaaraya aad baannu ugu faraxsanahay, waxaanna aan ku hambalyeynayaa shacabka gobolka Maroodijeex gaar ahaan reer Hargeysa in aannu nasiib u helnay in goboladii soo baxay garoonkeenii Hargeysa Stadium ay ku ciyaarayaan. Dhammaan maamulka, ciyaaryahanada, taageerayaashooda iyo walaalahayaga gobola kale waxaannu ku soo dhawaynaynaa gacmo furan.

 

 

Waxaan balanqaadaynaa oo waajib nagu ah in aannu soo dhawaynno oo caafimaadkooda iyo nabadgalyadooba aannu masuul ka nahay. Waxaannu u soo jeedinaynaa oo aannu ku leenahay waxa aad timaadeen guryihii hooyooyinkii oo Hargeysi waa hooyadii dalka e ku soo dhawaaada” Ayuu yidhi Mr. Jeeniyare.

 

 

Hadalkan badhasaabka ayaa waxa uu ka daba yimid baaqyo maamulada gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ay u direen gobolada in ay si nabad ah u soo dhawaynayaan gaar ahaan Gobolka Awdal oo ka cabsi qabay in laga jarto shiqaaqo  laga tirsanayey in ay dhawr jeer ka abuureen garoonka Xaaji Daahir ee Boorama.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories