HomeBadhasaabka Maroodi-jeex oo Xadhig ugu Hanjabay Xubnihii Iscasillay Haddii ay Nabadgelyada Ilaalin...

Badhasaabka Maroodi-jeex oo Xadhig ugu Hanjabay Xubnihii Iscasillay Haddii ay Nabadgelyada Ilaalin Waayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Badhasaabka gobolka Marroodi-jeex Maxamad Maxamuud Jeeniyare ayaa hanjabaad waxa uu hawadda u mariyay xubnihii Golaha Wasiirrada ee Isniintii toddobaadkan iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

“Waad maqlayseen oo Golaha wasiirrada qaar baa iscasilay, shacabkayaga ayaanu annagu la hadlaynaa waxaanu  leenahay hangaraarac lug uma dhutiyo, qaranimada Somaliland way soo jirtay, waanay sii jiraysaa, nin iscasilay iyo nin bood-booda looma baahna.  annagu gobol ahaan maanta waajibkayagii qaran waanu haysanaa,”Ayuu yidhi Mr. Jeeni-yare.

Dhanka kale waxa uu badhasaabku ka hadlay in cidii nabadgeliyada qarankani uu ku caano maalay isku dayda inay wax u dhinto inay la tiigsan doonan sharciga waxanu yidhi

“Illaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu innagu guuleeyo  ciddii isku dayda inay shacabka nabadgaliyadiisa iyo jiritaankiisa wax yeesho gogosheeda ha sii qaadato oo Mandheera ha sii tagto, qarankanina wixii duminaya waxaa uu u leeyahay xabsiyo, ciidamo u dhisan iyo shacabka oo ilaashanaya nabadgaliyadooda, waxaanu leenahay dadkiina ka mid noqda.”

“Waxaanan leeyahay waxa durba idinka soo yeedh yeedhaya yay noqon qaar ficilkooda la idinka arko haddii la idinka arko annaga cabanina,” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, waxaanu intaa ku daray

“Gobolkan Marroodijeex habeen iyo maalinba waa loo soo jeedaa,  aayar oo dhalatayna waan iscasilay oo Jug iyo Mac baan ridayaa wallaahi inaanay soconayn, waxaan dhici doonta in xabsiyada dalka in  badan dhexdooda lagu sheekaysto ,Shacabkana waan la dardaarmaya oo waxaan leeyahay nabadgaliyadiina ilaashada.”

Badhasaabka gobolka Marroodijeex waxa uu sidoo kale uuu madaxweynaha uga mahadnaqay aqbalaada uu ka aqbalay iscasilaadooda waxaanu yidhi

“Madaxweynahana waanu uga mahadnaqaynaa sida uu uga aqbalay xubnaha qaranimada diiday ee banaanka u baxay shacabkana waxan leeyahay nabad-gelyadiina laban laaba oo nin lagu seexdoow ha seexan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories