HomeBadhasaabka gobolka Togdheer Maxamed M- Diiriye ayaa si adag u cambaareeyey dilkii...

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed M- Diiriye ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dablayda hubaysan Ay ku Dileen Taliyihii Degmada Xaaji Saalax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLPOST)Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dablayda hubaysani ay habeen-hore saqdii dhexe ku dileen taliyihii Saldhiga degmadda Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

m-m-diiriye

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Burco, waxaanu tilmaamay dilkaasi lala xidhiidhinayo aano-qabiil oo dhawr iyo tobansano ka hor dhacday, isla markaana xussay inaan wali la qabanin gacan ku dhiiglayaashii balse ay ciidamada amaanku ku daba-jiraan oo deegaankaas si wayn looga baadi-goobayo.

Maxamed Muuse Diiriye waxa uu tibaaxay inay raadinta dablaydaas dishay sarkaalkaas ciidanka ka tirsan inay si wada jir ah u raadinayaan Somaliland iyo Maamulka kililka 5-aad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, maadaama oo deegaanka dilku ka dhacay uu ku dhawyahay xadka labada dal. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa run oo dilkaasi xalay ayuu dhacay oo Alle ha u naxariistee waxa ku dhintay Sarkaal ciidanka ka tirsan, run ahaantiina maamul ahaan aad ayaanu uga xunahay in dhacdooyinka noocaas oo kale ahi inay dalkeena ka dhacaan balse waa arin qadarka Alle ku dhacday”.

Badhasaabka Togdheer, Maxamed Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd in kooxdii dilka gaysatay la qabtay iyo in kale, waxa uu yidhi “May wali gacanta laguma dhigin gacan ku dhiiglihii dilka gaystay, ninkii la dilay-na rabi ha u naxariistee maanta ayaa la aasay. Mida kale cidii dilkaasi gaysatay ciidanka amaanku way ku daba-jiraan oo way baadi-goobayaan, xaga Ethiopia-na waanu la xidhiidhnay waa laga raadinayaa, isla markaana xagan Burco gurmad ciidan iyo waxgarad leh ayaa ka baxay oo Hargeysa-na waa laga soo baxay oo xataa xadka degmada deeggaanada ku teedsan oo dhan Itoobiya iyo Somaliland labaduba dhinacooda ayey ka raadinayaan dadkii dilka gaystay n oo ma gudbi karaan,inkastoo aan wali la qaban”.

Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha gobolka Togdheer mar uu ka hadlayey arrimaha lala xidhiidhinayo dilkaasi iyo waxa sababay, waxa uu yidhi “Dilkaas waxa lala xidhiidhinayaa aano-qabiil oo deegaanka Xaaji Saalax ee dilku ka dhacay waxay ka tirsan tahay Daad-madheedh oo gobolkan Togdheer-na way saamaynaysaa oo imikaba ciidanku waa heegan oo way ilaalinayaan amniga si aanay dhibaatadu u sii badanin, aanada lala xidhiidhinayo-na waa mid 13 sano ka hor dhacday, markaa naf baxaysana Ilaahay ayuu baa oge, waxaan bulshadda deegaanadaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-ba ugu baaqayaa inay nabadgalyadooda ilaashadaan oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dadka dhibaatadda iyo nabadgalyo darida ka dhexwada ee dhibaatooyinka noocan oo kale ah samaynaya”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu rajo-waynaha oo aan rajaynayaa in la soo qaban doono kooxda dilka gaysatay oo ciidanka amnigu ku raad-joogaan, dhinaca xaga Ethiopia-na maamulka degmadda Gaashaamo dhinacooda ayey ka raadinayaan oo ma jirto meel ay ka baxaan oo ay u baxsadaan

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories